Haween La’aantood Adduunka Baabuur Lama Wateen: Hal-Abuurkii Gawaadhida Iyo Biblowgii Shirkadda Mercedes

0
946

Washington (Geeska)- Inkasta oo qofkii ugu horreeyey ee dunida ku soo kordhiyey hal-abuurka samayska baabuurta hadda la isticmaalaa uu ahaa nin u dhashay dalka Jarmalka oo lagu magacaabi jiray Karl Benz, haddana waxa ay taariikhyahannadu sheegayaan in aanu hal abuurka Karal Benz ifka u soo bixi lahayn haween la’aantood.

Muddo sannado ah ayaa uu Karl Benz ku dhiirran kari la’aa in uu soo bandhigo hal-abuurkiisa, laakiin cabsidaasi waxa ay ka joogsatada kaddib markii uu guursaday gabadh lagu magacaabi jiray Bertha Ringer oo markii dambe la baxday Bertha Benz.

Marka laga tago in gabadhan oo ganacsato ahayd ay ku garab istaagtay taageero dhaqaale iyo xitaa afkaar cusub oo la xidhiidha samayska gaadiidka, haddana waxa intaasba ka weynaa oo ay ka caawisay in uu ku dhiirrado in uu bannaanka u soo saaro hal abuurkiisa uu tijaabooyinka badan ee guulaystay ku sameeyey, haddana weli la baqanayey.

Sannadkii 1888 kii ayaa uu Karl Benz sameeyey nashqaddii ugu horreysay ee buudhi shaagag leh oo sidii marka hore looga bartay aanu faras jiidayn balse isagu is wada kuna shaqaynaya shidaal. Gaadhigaas oo dhammaystiran balse uu ka baqayo in uu si rasmi ah u shaqo geliyo ayaa uu muddo iska watay. Waxa se arrintaas soo afjartay afadiisa Bertha oo 5-tii bishii Ogosto 1888-kii noqotay qofkii adduunkan ugu horreeyey ee kaxeeya baabuur is wada oo masaafad dheer socon kara.

Gaadhigan oo ay saartay laba carruur ah oo ay dhashay ayaa ay kaxaysay masaafad lagu qiyaasay in ay ka badnayd 106 kiiloomitir. Waxa ay booqasho ugu tagtay hooyadeed oo deggenayd meel masaafaddaas u jirtay, waxa aanu safarkaasi noqday safarkii ugu horreeyey ee gaadhi loo adeegsaday.

Bertha ujeedada keliya ee ay ka lahayd in ay gaadhi oo carruurtu saaran yihiin kaxaysaa, waxa ay ahayd in ay ninkeeda tusto in cabsida uu qabaa ay been tahay, gaadhiganina uu yahay fikir shaqaynaya oo u baahan in uu ifka u soo saaro.

Maalintaas ayaa uu Karl ku dhiirraday tallaabadan, waxa aanu dib u qurxin iyo sii tayeyn ku sameeyey gaadhigan iyo gawaadhi kalaba, intaas kuma uu joogsan ee Karl iyo xaaskiisa dhiirrani waxa ay aasaaseen shirkaddii ugu horreysay ee gaadiidka samaysa oo ahayd shirkadda Marcedes Benz ee illaa maanta adduunka ka shaqaysa.

Waxaa la sheegaa muddadii ay gabadhani safarka ku sii jirtay, in ay daraasaynaysay cilladaha gaadhigani leeyahay ee u baahan in la wanaajiyo, in wax laga beddelo ama lagu soo kordhiy.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here