Muran Ka Dhashay Gabadh Loo Magacaabayo In Ay Ka Mid Noqoto Muftiyada Diinta Islaamka Ee Dalka Urdun

0
988

Cammaan (Geeska)- Dhacdadii nooceeda ugu horreysay ayaa ay dadka reer Urdun iyo inta badan ee dunida muslimka ku noqotay markii dhowaan muftiga guud ee boqortooyada Urdun Dr. Maxamed Khalaaylah uu shaaciyey in uu qorshaynayo in uu gabadh ku soo daro golaha muftiyada dalka.

Dr. Khalaaylah ayaa markii uu arrintan shaaciyey sheegay in aanay jirin sabab shareecada Islaamka la xidhiidha oo gabadha u diidaysa in loo magacaabo mansabka muftinimada. Waxa aanu xusay in taariikhda Islaamka ay marar badan oo hore soo mareen haween wax laga weydiin jiray murugga iyo madmadowga laga qabo arrimaha shareecada iyo guud ahaan diinta Islaamka. Wawxa aanu tusaale u soo qaatay ooridii rasuulka (SCW), hooyadii muuminiinta Caa’isha Bintu Abi bakar, iyo marwo Nafsiisah oo ah caalim abtirsiinteedu gasho saxaabigii weynaa ee nebiga ina’adeerkii Cali Bin Abi Daalib, (Alle ha ka raalli ahaado). Nafiisa oo wax ka baratay culimadii fadhigoodu ahaa masjidka nebiga ee madiina ayaa si gaar ah ugu xeeldheerayd cilmiga Xadiiska iyo Fiqiga.

Dalka Urdun waxa uu leeyahay golaha muftiyada ee culimada oo uu madax u yahay muftiga guud ee boqortooyada Urdun. Golahaas gelitaankiisa shuruudaha ku xidhan ee cilmiga ah marka laga yimaaddo waxaa laga qaadaa imtixaanno qoraallo iyo waraysi isugu jira oo lagu hubinayo in qofku heerka muftinimo geli karo. Golahan oo ka kooban afartan sheekh waa markii ugu horreysay taariikhda dalkaas ee ay ruux dumar ahi ka mid noqoto.

Magacaabistan cusub ayaa muran ka dhex abuurtay dhinacyada kala duwan ee bulshada dalka Urdun, iyada oo hay’adaha xuquuqda haweenku markiiba soo dhoweeyeen kuna doodeen in tiradu yar tahay iyo in xilli dambe arrintaas lagu baraarugay oo ay ahayd in mar horeba la magacaabo.

Sharciga dalka Urdun ayaa dhigaya in qofka ku biira golaha muftiyadu uu leeyahay darajo iyo maamuus la mid ah kan wasiirrada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here