Wasiirka Khaarajiga Soomaaliya Oo Ka Hadlay Sawirkii Doodda Abuuray Ee Ay La Galeen Madaxweyne Biixi

0
800

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ka hadlay sawirka qabsaday baraha bulshada ee ay Xajka ku so wada galeen weftigii Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi.

Wasiir Cawad, ayaa sheegay inaanay kulankaas kaga hadal wax siyaasad ah balse uu ahaa oo keliya salaam iyo is barasho, waxaanu masuulkan oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee VOa, uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa uu kulankaasi ku yimid madaxweynaha iyo waftigiisa iyo anagu waxaanu wada deganayn hal meel masaajid ayaanuna isku aragnay aniga iyo wasiirada kale ee ka socday dawlada fedaraalka ah ayaa u tagay madaxweynaha iyo waftigiisa isaguna si qurux badan oo Soomaalinimo ah  iyo walaalo isku soo hiloobay ayuu noo soo dhaweeyay oo sharafi ku jirto, waanu isa salaanay oo waanu is marxabaynay ka bacdina meelaha ay masuuliyiintu ay tagaan oo dhan ayaanu isku arkaynay sida Carafa Mina iyo meelahaas waanu la fadhiisanay waanuna salaanay waxaanuna muujinay inaanu nahay dad walaalo ah, salaantaas muslimiinta oo dhan u dhaxaysa anaguna dad isaga sii dhaw oo walaalo ah aanu nahay oo kaliyaata ayaa na dhex martay, waxaan arkaayay dad Soomaaliyeed oo meelo kala duwan joogay oo siyaasadaynaayay siyaasadna shuqul kumay lahayn kamaanu wada hadlin wax gaar ah oo la xidhiidha siyaasad maxaa yeelay madaxweynuuna waa uu xajaayay anaguna waanu xajaynay anaguna maanu haysan fasax arimaha Somaliya iyo Somaliland aan kaga hadlano xajbaanu nimi laakiin markaanu aragnay walaalkayo madaxweynaha Somaliland waanu u tagnay oo waanu salaanay.”

Wasiirka oo la waydiiyay sida kulankani uu wax uga tari karo hadalkii taag taaganaa ee dhex yaalay Somaliya iyo Somaliland waxa uu yidhi“ haa waa uu badali karaa runtiina anagu aad ayaanu ugu faraxnay ismaanu aqoon madaxweynaha Soomaalidu shaki iyo tuhun iyo waxyaabo uunbay isku beegsadaan laakiin maarkaanu madaxweynaha waftigiisa la kulanay dad Soomaaliyeed oo aan cuqdad qabin siyaasadoodu waxay tahayba laakiin dad sharaf leh oo qalbi fiican oo waji furan oo nasoo dhaweeyay oo salaantii aanu ugu tagnay si fiican u soo dhaweeyay oo u qaabilay ayay ahaayeen waxaanu rajaynaynaa ugu yaraan intay wada hadaladu bilaabmayaan in wanaagaas iyo jacaylkaas Soomaalida ka dhaxeeyo, anagu waxaanu u cadaynay madaxweynaha hadana u cadanynaa markaanu salaamaynay xukuumada Soomaaliyeed ee fadaraalka ah ee uu hogaaminaayo madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Xasan Cali Khayre iyo xubnaha golaha wasiirada iyo baarlamaanka oo dhan qolo dhib la jecel dadka Soomaaliyeed ee Somaliland degan in aanay jirin, in aanu jecelnahay wanaagooda horumarkooda iyo khayirkooda  sidaasna waanu u sheegnay madaxweyanaha markaanu salaanay, sidaas ayuu ahaa kulankayagu waanuna ku faraxsanahay madaxweynaha iyo waftigiisa aanu aragno.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here