“Dadka Keenaya Dalka Maandooriyaha Halista Ah, Waxaan Leeyahay Akhiradiina U Tudha…”

0
695

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed-weli Warsame Cali, oo ka mid ah Muddanayaasha Golaha Guurtida, ayaa ka digay mandarooriyaha, gaar ahaan Khamriga iyo Xashiishada, waxaanu ugu baaqay dadka sida tuugnimada ah dalka u soo galinaya inay ALLE ka baqaan oo akhiradooda u tudhaan, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqaya Ciidamada Bilayska oo uu tilmaaamay inay xil dheerad ah iska sareen sidii ay u qaban lahaayeen mandarooyiaha.

Xildhibaan Maxamed-wali Warsame Cali, oo u waramay Wargeska Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Mandooriyaha halista ah ee Khamriga iyo Xashiishadu labaduba halistoodu daran tahay, ayaan cid kasta ugu digayaa, dadka keenaya maandooriyaha halista ah waxaan leeyahay ALLE ka baqa oo akhiradiina u tudha, oo arsaaqada xalaal ah raadsada, oo Dhalinyarada iyo ubaxa dalka iyo dadkaba u soo koraya dhaqan xumo ha u horseedina”.

Mar uu ka hadlaayey Ciidmaada Bilayska wuxuu yidhi “Runtii Ciimadeena Bilaysku aad bay u dadaalayaan, oo hadh iyo habeenba waa kuwaas oo heegaanka ugu jira inay qabtaan Khamriga iyo waxa la midka ah, waxaana leeyahay dadaalkiina halkaas ka si iwada, oo waa idinkaas soo saaraya si kasta oo khamriga iyo xashiishada si kasta oo loo qariyo iyo meel kasta oo lagu qariyo, ee waanu idin ducaynaynaa ee dadaalkiina marnaba ha dhimina, ta kale Taliyaha Ciidanka Bilayska waxaan uga mahadnaqayaa sida qiimaha badan ee uu u dhisay Ciidamada”

 

Geeska.net/Hargeisa Office