Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Digniin Siyaasadeed U Diray Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee WADDANI Iyo UCID

0
734

“Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka, waa in aanay seegin in guushii wadareed ee ay ka gaadheen doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanku, aanay ifafaale iyo udub-dhexaad u ahayn odoroska natiijada doorashada madaxtooyada ee soo socota..”

Hargeysa (Geeska) – Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa digniin siyaasadeed u diray Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo Qoraal ku baahiyey Internet-ka, ayaa sheegay inaan loo baahnayn in Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ay natiijada doorashada Madaxtooyada ee soo socota ku qiyaasaan guushii ay sida wada-jirka ah uga gaadheen doorashadii Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee Somaliland ka dhacday 31-kii May, 2021-ka.

Maxamuud Xaashi ayaa qoraalkiisa ku yidhi  “Gudoomiyaasha mucaaradka waa in aan hal seegin. Siyaasaddu waa hadhka labadiisa gelin, oo hadba cid ayay libintu raacdaa. Waxaanay leedahay habeeno, hoosiis, hilmaan, hawo been ah, iyo marin habow.”

Maxamuud oo qoraalkiisa sii wata ayaa sheegay “Sidaa darteed, guddoomiyaasha xisbiyada mucaaradka waa in aanay seegin, in guushii wadareed ee ay ka gaadheen doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanku, aanay ifafaale iyo udub-dhexaad u ahayn, odoroska natiijada doorashada madaxtooyada ee soo socota.”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office