La-dagaalanka Khamriga: Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay 805 litir Oo Maandooriye Ah, Gaadiid iyo Dadkii Dalka Soo Geliyey

0
819

Hargeysa (Geeska) – Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan khamri tiradiisu dhan tahay 805 litir, ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay qayb ka mid ah dadkii siday iyo baabuurtoodii.

“Waxaanu soo qabanay khamri tiradiisu ay dhan tahay 28 kartoon oo kartoonkiiba ay ku jirto 24 litir oo khamri ah, oo noqonysa 672 litir, waxanu ku qabanay gaadhiga number kiisu yahay 35352 oo Calawi ah, waxa kale oo aanu qabanay 133 litir oo khamri ah oo saarnaa gaadhi Crown ah, number kiisuna yahay 47788” sida waxa yidhi taliye ka tirsan Booliiska Somaliland.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay qabteen qaar ka mid ah eedaysanayaasha loo haysto in ay Somaliland u soo dhoofiyeen khamrigan isla-markaana ay ku daba jiraan kuwo baxsad ah.

“Gaadhiga hore ee 133 saarnayeen waanu ku qabanay eedaysanayashii, gaadhigaa Calawiga ah iyo 672 litir waa na looga cararay, halkan dooxa ayaanu ku qabanay 4:30 am ayay ahayd, saldhiga ayuuna yaallaa, waanu aqoonsanay eedaysanayaashii waananu ku daba jirnaa,” ayuu yidhi taliyuhu.

Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa dagaal adag kula jira maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo Somaliland lagu soo galiyo sifo sharci daro ah.
Maandooriyaha ayaa inta badan laga keena dalka Itoobiya oo xuduud dheer la wadaaga Somaliland.

 

Geeska.net/Hargeisa Office