Hargabka 3 Cisho Ka Badan Iyo Nidaam Xumada Cuntadu Waxa Ay Khatar Ku Yihiin Dadka Wadne Xanuunka Qaba

0
770

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis ay dhowaan samaysay jaamacadda Sao Paulo ee dalka Baraasiil ayaa daahfurtay in dadka qaba xanuunnada wadnaha ee aan si nidaamsan cuntada u cunin ay khatar u yihiin wadne istaag.

Cilmibaadhista oo tijaabo ku samaysay dadyow qaba xanuunnada wadnaha ku dhaca, ayaa muujisay in boqolkiiba 58 dadkaas ka mid ahi aanay quraacanhalka boqolkiiba 51 ka mid ahina ay saacad aad u dambaysa casheeyaan habeenkii, boqolkiiba 41 ka mid ahina ay labada dhibaataba sameeyeen, oo quraacada ka tagaan cashadana goor dambe cunaan, waxa ay cilmibaadhayaashu ogaadeen in dhibaatadaas nidaam la’aanta cuntadu ay khatar ku keentay xaaladdooda caafimaad, gaar ahaan kuwan dambe ee labada dhibaato isku daray oo la arkay in 30 maalmood gudahood u baahdeen dhakhtar wadne.

Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay sheegeen in cuntada oo habeenkii goor dambe la cuno dhibaatadeedu ay tahay ku seexashada, sidaa awgeed ay caafimaad ahaan fiican tahay in la casheeyo ugu yaraan laba saacadood ka hor hurdada. Dhianca kalana waxa ay khubarada caafimaadku ka digeen in quraacda la iska daayo iyo guud ahaanba in qofku aanu samaysan waqtiyo go’an oo uu cunto kasta cuno.

Dr. Marcus oo hormuud u ahaa cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegay in sida fiicani a ytahay in quraacda ay ku jiraan caano ama cunto caano laga sameeyey, laakiin ay noqdaan caano aan dufan lahayn ama uu ku yar yahay, waxa kale oo uu ku taliyey in quraacdu ay noqoto qamandi, khubus ama cuntada galka leh iyo khudrad.

Culimada caafimaadku waxa ay sheegeen in cuntada oo habeenkii goor dambe la cunaa ay keento caabuq iyo dhiiggu uu bukoodo, dhianca kalana cilmibaadhis ay maalgelisay hay’adda True British Heart Foundation oo ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in wadne istaagga, wadne wareenka, iyo dhiigfuranka maskaxdu ay khatartoodu laban-laab korodho marka uu qofka wadne xanuunka leh hargabku hayo muddo gaadhaysa saddex maalmood iyo ka badan.

Khubaradu waxa ay sheegeen in qandhada hargabka oo lagu yaqaanno in ay hoos u dhigto heerkulka jidhku uu hoos u dhacaasi sababo in ay cidhiidhi noqdaan halbawlayaasha dhiiggu, taasina ay sababto in dhiiggu uu aad kor ugu kaco, iyo in uu Khalkhal ku yimaaddo habsami u socodka garaacawa wadnaha, taas oo iyaduan sii kordhinaysa culayska wadnaha saarnaa, keenaysana khatar ah in uu wadnuhu istaago.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here