Faytamiin ‘D’ Oo La Ogaaday In Uu Kaalin Ka Qaato Daweynta Noocyo Cudurka Kansarka Ka Mid Ah

0
599

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in qofka oo cuna xaddi badan oo ka mid ah Faytamiin ‘D’ ay suurtagal tahay in uu ka caawiyo in uu daweeyo kansarka ku dhaca xiidmaha iyo malawadka, iyo in uu xakameeyo faafitaankiisa.

Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen xeeldheereyaal ka tirsan Maxadka daraasaynta Kansarka ee Dana-Farber oo ku yaalla dalka Maraykanka ayaa tijaabadeeda lagu sameeyey 139 qof oo u buka cudurka kansarka ku dhaca xiidmaha iyo malawadka oo daweyn kiimikaad la siiyo. Natiijada ka soo baxdayna waxa ay noqotay in dadka la siiyo xaddi badan oo Faytamiin ‘D’ ah oo loogu daro daweynta kiimikaad, ay boqolkiiba 36 hoos u dhacday heerka faafitaanka cudurkani uu samaynayey.

Sida uu ku warramay joornaalka arrimaha caafimaadka ka faallooda ee American Medical Association, oo natiijada daraasadda qoray, Dr. Charles Fox oo hormuud u ahaa cilmibaadhayaasha daraasadda sameeyey ayaa sheegay in natiijada ay ka arkeen tijaabooyinkii ay sameeyeen ay caddaynayso in Faytamiin ‘D’ uu kaalin fiican ka geli karo daweynta kansarka noocyadiisa aynu soo sheegnay. Faa’iidoyinka uu Dr. Charless sheegay in ay Faytamiin ‘D’ ku ogaadeen waxaa ka mid ah in uu liddi ku noqdo in kansarku uu si nidaamsan u burburiyo unugyada, in unugyada kansar ay awoodaystaan, iyo in ay jidhka ku faafaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here