Hantidhawrka Qaranka Oo Xabsiga Dhigay Xoghayihii Dawladda Hoose Ee Burco Iyo Fadeexadaha Musumaasuq Ee Banaanka Yaal

0
935

burcoBurco(Geeska)-Waxa shalay gelinkii dambe xabsiga magaalada Burco loo taxaabay xoghayihii dawladda hoose ee degmada Burco Cabdiraxmaan Maxamuud Xasan.

 

Xadhiga Masuulkan oo uu Noo xaqiijiyay  Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mr Yaasiin Muxumed Cabdi  waxa ay ka danbaysay ka dib markii Hantidhawrka guud ee qaranka oo dawladda Hoose ee Burco baadhis ka waddaa amar ku siiyay bilayska in ay soo qabtaan Masuulkan.  Gudoomiyaha Goboka Togdheer oo aanu Wax ka weydiinay arintan ayaa ku Gaabsaday in aanu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo,  isago sheegay in kiiska ay gacanta ku ahayaan Haay’ada Baadhista isla markasna hawshii Hanti dhawrku ay wali socoto . Waxaana khamiistii la xidhay khasnajigii dawladda Hoose ee Burco.

Amarada uu hantidhawruhu ku xidhay labadan masuul ayaa lagu xidhiidhinayaa natiijo uu ka gaadhay baadhis uu ka waday xarunta dawladda hoose ee Burco oo la xidhiidhay dhinaca xisaabaadka. Labada masuul oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno ayaanay noo suurtogelin.

Dawlada Hoose ee Burco ayaa la sheegay in ay noqotay Xarun uu ka jiro Musuqmaasuq baahsan oo saameeyay qaybaha kala duwan ee Xisaabadka oo dhan taas oo ilaa mudo saddex cisho ah ay xidhnaayeen Xafiisyadii Agaasimaha Cashuuraha iyo Xisaabiyaha Dawlada Hoose ee Burco .