Hantidhawrka Guud Ee Qaranka Oo Xidhay Masuul Ka Tirsan Wasaarada Warfaafinta Iyo Sababta Loo Tirinayo

0
511

handhti dhaweHargeysa(Geeska)-Hantidhawrka guud ee qaranka ayaa shalay xabsiga u taxaabay agaasimihii maamulka iyo lacagta ee telefishanka qaranka Somaliland Mr. Xasan Maxamuud Maxamed, ka dib markii uu hantidhawrku maalintii Isniintii doraad baadhis ku galalafay xarunta wasaaradda warfaafinta.

Sarkaalkan ka tirsan wasaaradda warfaafinta ayaa shalay duhurnimadii xabsiga loo taxaabay, mana jiro wax war ah oo uu hantidhawrku xadhigiisa ka soo saaray, waxase lala xidhiidhinayaa baadhista Isniintii laga bilaabay xarunta wasaaradda warfaafinta, lamana oga in hawsha hantidhawrku ku koobnaan doonto masuulkan oo xil ahaan ay awoodiisu hoosayso iyo inay geli doonto masuuliyiin kale. Hase yeeshe siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa inta badan soo bandhiga musuqmaasuq ka dhex jira hay’adaha kala duwan ee xukuumadda Somaliland.

Hantidhawraha guud ee qaranka oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino xadhiga masuulkan ayaanay noo suurtogelin inaanu helno, laakiin waxa jira baadhiso hore oo uu hantidhawruhu ku sameeyay wasaarado ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo natiijadii ka soo baxday aan saxaafadda loo soo bandhigin islamarkaana aan cid loo xidhay jirin, haddii laga helay xisaabaad khaldan oo la is dhaafdhaafiyay.