Warancade Oo Xukuumadda Uga Digay Marin Habow Uu Sheekh Shariif Ku Sameeyay Wada Hadaladii Dalalka Somaliland Iyo Somaliya

1
635

waran cadeHargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cali Maxamed Warancade, ayaa xukuumadda Somaliland uga digay dhalan rogis uu sheegay inuu Madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif ku sameeyay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya.

Mr. Warancade, ayaa war-murtiyeed uu shalay soo saaray, wuxuu ku sheegay in Sheekh Shariif dunida ku faafinayo in nuxurkii wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ahaa midaynta labada dal, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay warkaas ka daba tagto. War-murtiyeedka uu Mr. Warancade soo saaray oo dhammaystirani wuxuu u dhignaa sidan: “Wuxuu si cad ugu faafiyey dunida sheikh shariif  in wada hadaladii dhexmaray somaliland iyo somalia Nuxurkoodu yahay  in dib loo mideeyo labada Dal, arrintan oo ka horimaneysa warkii aynu ka helnay Madaxdii inooga qayb gashay shirarkii ina dhex maray inaga iyo somaliya. oo isna nuxurkiisu ahaa sidii loo noqon lahaa laba dal oo kala madaxbanaan.

Arintan oo khatar ku ah geedi socodkii somaliland ku raadineysay Ictiraafka muddo ka badan labaatan sanno, waxay keeni kartaa in caalamku rumeysto warka uu fidinayo sheikh shariif, oo loo qaato in aynu dib isugu dhiibayno koonfur, iyo hoygii halaagu hore inooga soo maray. sidaana ay mugdi ku gasho Himiladii ummada reer somaliland raadineysay.

 Waxaa cadaan ah in uu waraaqo u kala diray Caalamka uu ugu sheegayo in uu ku guulaystay in uu ku qanciyo

Reer Somaliland in marlabaad uu somaliland ku soo celiyo midnimadii , isagoo dhinaca kalana ugu faa-iideysanaya Olalihiisa siyaasadeed ee uu halganka ugu jiro in marlabaad uu ku soo noqdo Kursiga Madaxtinimada somalia, isagoo olalihiisa gundhig uga dhigaya mar haduu ku guulaystay in somaliland ku soo celinayo xerada Midnimada, inuu xaq u leeyahay inuu marlabaad kursiga ku soo noqdo si uu arrintaasi u dhamays tiro.

 Waxaa u dambeeyey waraaqaha uu caalamka u diray, mid dhawaan u diray Gudoomiyaha Jaamacadda Carabta oo uu uga waramayo guusha uu ka gaadhay wadahadaladii dhex maray somaliland iyo somalia, kuna qanciyey in guushii Midnamada somalia iyo somaliland ay irrida taagan tahay , taasi oo keentay in Gudoomiyaha Jaamacadda Carabtu si lama filaan ah uu ugu dhawaaqo inuu ka degi doono Moqdisha dhawaan, si uu u soo hambalyeeyo Guusha uu sheikh shariif uu ka soo hooyey wada hadaladii dhex maray smaliland iyo somalia, oo sida aan filayo u muuqata wabixin been abuur ah oo sheikh shariif ka faafinayo wada hadaladii dhex maray labada dal .

Anigoo filayaa didmadii , iyo shakigii uu ku muujiyey Wasiirka Arrimaha dibadda ee somaliland war saxaafadeedkiisi u dambeeyey ee uu ku cadeeyey inay hakad galinayaan wada hadaladii u socday somaliland iyo somalia, in uu salka ku hayo warbixinaha khatarta ah ee sheikh shariif dunidda ku faafinayo,

 Waxaan jeclahay in aan u soo jeediyo Dowladda somaliland in ay caalamka iyo ummadda reer somalilandba u muujiso in sheikh shariif ka been abuurayo wada hadaladii dhex maray Somaliland iyo Somalia, si aanu shaki u kala dhex gelin Somaliland iyo bulshada Caalamka , isla markaana aan ummadda reer somaliland iyo Dowladda aanu shaki kala dhex dhigin hadalkiisaasu.

Comments are closed.