Hudheel loogu magac daray hoggaamiyihii La dilay ee dalka Libya oo dalab xad dhaaf ah helay: Diyaariye Kamaal Axmed Cali

0
629

qaaafirAlgeria- Nin u dhashay dalka Algeria oo aad ula dhacsanaa hab-dhaqankii hoggaamiyihii la dilay ee dalka Libya Mucammar Al-Qaddaafi ayaa furtay hudheel cunto oo uu u bixiyey Hudheelka boqorka boqorrada Afrika. Magacan oo uu Qaddaafi ku kasbaday mansab boqornimo oo uu isu caleemo saaray xilligii uu talada dalka Libya hayey. Madal uu Qaddaafi isugu keenay hoggaamiye dhaqameed boqorro iyo salaadiin isugu jira oo laga soo xulay dhammaan dalalka Qaaradda Afrika ayaa ay Qaddaafi ugu caleemo saaray boqorka boqorrada Afrika. 

Hudheelkan boqorka boqorrada Afrika oo laga furay magaalada Al-Baliida ee dalka Algeria ayaa la sheegay in uu magacan ku kasbaday macaamiil aad u tiro badan oo taaageersanaa Qaddaafi ama ugu yaraan xiisaynaya in ay arkaan goobtan loogu magac daray, waxa aanay dadka macaamiisha ahi u badan yihiin dadka musaafiriinta ah ee magaalada jooga ama dhaafaya oo si gaar ah u soo beegsada hudheelkan, dadkaas oo aad u soo dhoweeyey fikirka mulkiilaha hudheelkani uu ku doortay magacan.