Hantidhawraha Guud Oo Xabsiga Dhigay Shan Sarkaal Oo Dawladda Hose Ee Burco Ah

0
829

 

burco-300x225Hargeysa (Geeska)-Hantidhawrka guud ee qaranka oo hore xabsiga u dhigay saraakiil ka tirsan dawladda hoose ee Burco ayaa shalay xabsiga u taxaabay  shan sarkaal oo ka tirsan dawlada hoose ee magaalada Burco oo uu ka mid yahay ku xigeenka xisaabiyaha guud ee gobolka Togdheer,  ka dib markii lagu soo eedeeyay musuqmaasuq.

saraakiisha laga xidhay dawlada hoose ee Burco waxay kala yihiin
1. Axmed Aadan Yuusuf oo ah agaasimaha maamulka iyo lacagta ee dawlada hoose ee Burco.

2. Faarax Xuseen Aadan oo ah agaasimaha waaxda caashuuraha ee Burco

3. Axmed Maxamed C/laahi oo ah Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee dawlada hoose

4. Bashiir Cabdi Xasan oo ah saarkaalka Iibka iyo qandarasyaada ee dawlada hoose ee burco

 

5. ku xigeenka xisaabiyaha guud ee gobolka Togdheer Ismaaciil Maxamuud Diiriye.

 

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in dhamaan eedaysanayaashaasi loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe ee Burco , iyadoo uu xadhigooda ogolaatay maxkamadda gobolka Togdheer oo la soo mariyay.

 

Hantidhawrka guud ee qaranka ayaa baadhis adag ku haya dawladda Hoose ee Burco oo ay hadheeyeen fadeexado musuq iyo wax isdaba marin aad u tiro badani.