Agaasime Uu Madaxweyne Siilaanyo Casilay Oo Sheegay In Lagu Qabsaday Soo Dhawayntii Muse Biixi

0
727

 

lanyoHargeysa(Geeska)-Agaasimihii Guud ee waaxda Dibu-dajinta ee wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Axmed C/laahi Jaamac Rooraaye oo uu Madaxweyne Siilaanyo shalay xilka ka qaaday balse gelinkii hore sheegay inuu is casilay ayaa ku dooday in laga raacay soo dhawayntii guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Rooraaye, oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa gelinkii hore wuxuu sheegay inuu xilkaas iska casilay, isagoo eedaymo u jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Agasimahaas hore wuxuu ku dooday in sidoo kale laga raacay eedayn musuqmaasuq oo uu u jeediyay Wasiirka Arrimaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose,

 ayaa maanta Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladda Hargeysa ku cadeeyay inuu xilkii uu hayay iska casilay.  “Waxaan cadaynayaa inaan iska casilay xilkii Agaasime nimo ee aan hayay, waxaana igu kalifay Gaboose oo Dalka ka noqday Madaxweyne labaad oo ay xukuumaddu waxba ka qaban weyday markii aan tusay cadaymo lacago uu ka Lunsaday dadka Qaxoontiga ah iyo soo dhaweyntii Muuse Biixi oo la igu qabsaday” ayuu yidhi.

 

Waxa jiray khilaaf hoose oo muddo dheer ka dhexeeyay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Agaasimaha hore, kaas oo la sheegay inuu salka ku hayay hawlaha maamulka ee waaxda dib u dejinta oo hore loo hoos geeyay wasaaradda daakhiliga.