Hanti-Dhawraha Guud Oo Beeniyay Inuu Hakiyay Eedaynta Masuuliyiinta Uu Baadhistiisa Kaga Gun Gaadhay

0
823

 

hnatiHargeysa(Geeska)-Hantidhawraha guud ee qaranka Md. Maxamuud Aw Cabdi Ibrahim ayaa beeniyay warar suuqa soo galay oo sheegayay in hantidhawrku hakiyay baadhista iyo eedaynta qaar ka mid ah masuuliyiinta kala duwan ee fatashaadda uu ku hayo.

Md. Muxumed Aw Cabdi, wuxuu sheegay inaanu sharcigu u saamaxayn inay hakiyaan baadhis ay sameeyeen iyo dacwad ay ka gudbiyeen , “Ma jirto cid aanu eedaynay oo aanu eedeeda ka noqonay oo aanu xatooyo ku eedaynay.” Ayuu yidhi Hantidhawraha oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay, “Hawshayadii waanu gudanay baadhistiina si fiican ayay noogu socotaa oo maanu joojin wixii aanu baadhistayada ku eedaynay cid aanu nidhi kiiskeeda dib haloo dhigo ma jirto, mana jiri doonto oo sharciga ayaan nooba ogolayn.”

Wuxuu sheegay hantidhawruhu inaanu marna ogolaan doonin in xoolaha umadda si fudud lagu lunsado inta uu xilka hayo, “Cashuurta dadka laga qaado inaanu ilaalino oo aanu ka ilaalino in la lunsado waa shaqada aanu xukuumadda u hayno intaan joogana waxaan balan ku qaadayaa inaan hantida umadda u ilaaliyo.” Ayuu yidhi Hantidhawraha guud ee qaranku.

Hantidhawrka guud ee qaranka ayaa masuuliyiin kala duwan ku bilaabay baadhis xisaabeed, waxaana la xidhay qaar badan oo ka mid ah madaxda dawladaha hoose ee dalka, waxaana haatan ay baadhisi ku socotaa xarutna dawladda hoose ee Hargeysa oo masuul ka tirsana la xidhay.