Faysal Cali Waraabe Oo Ku Taliyay In Qabyaaladda Iyo Dhibteda La Iska Qur’aan Saaro

2
4243

 

 

waraabeHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku taliyay in qabyaaladda iyo ku dhaqankeeda la iska qur’aan saaro si looga baxo dhibaatad ay bulshada ku hayso.

Md. Faysal Cali Waraabe, oo habeen hore hadal ka jeediyay xaflad lagu soo bandhigay buug lagu magacaabo HIIL oo ka hadlaya hayb sooca oo uu qoray Xasan Cabdi Madar oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda madaxtooyada, ayaa wuxuu yidhi,  “Markaad maqashid hayb sooca Soomaalidii aynu kala tagnay inteeda kale, markaad timaadid dhulkaa la yidhaahdo Somaliland ayaad ugu imanaysaa. Anigu 65-kii ayaan koonfuur tagay wali maan maqlin qof la leeyahay waa gabooye, markaan halkan imaado ayey ii kaw noqotaa, waxa kalena maaha ee qabiilkii ayaa ina fadhiistay. Markaa ma bahashaas (Qaybaalada) ka guurnay mise wadnay, haddii aynu ka guurno way baabaysaa. Inan ayaa damcay inuu Somaliland ka shaqeeyo, wuxuu dalka uga tagay kalmada ah yaad tahay. Markaa waxna waa wax aynu inagu sharciyo ka soo saari karno, waxaa jiray balan qaad ahaa in la baabiyo hayb sooca, waa maalintii ay lixda arday jaamacada galaayeen oo aanu xaflad ugu samaynay Hadhwanaag, laakin dawladii way naga qaban waday oo waanu u sheegnay. Markaa mushkilada meesha taalaa waxa weeyaan kolba qoladii meesha timaada dhagaha ayey furaysanayaan, laakin haddii aanay dhagaha furaysan wax badan ayaa lagu kordhin lahaa. Wada tashi ayaan dalkan jirin. Markaa waxaanu la sugaynay in aanu anagu doorkan soo baxno, balse maanu soo bixin dee markaa na suga markaanu soo baxno insha allah. markaa waxayaabo badan oo Soomaalidu ka ilbaxayso inaga ayey ina fadhiisteen oo gudniinka fircooniga ah iyo qaybaalada reer hebel ayaa ka mida ee bahasha aynu quraan iska saarno. Waad ogtihiin maanta anaga axsaabta waxaa ka xoog batay qabiilkii meel urur jiro waa in aanu qabiil jirin, haddii dadku wax tirsanayaan waa inay ka hadlaan axsaabta dhexdooda, laakin maanta waxaynu ogolaanay intay afar nin inay af beeleed ku hadlaan waana wax laga yaq yaqsoodo. Intuu qabiil jirana khayr iman maayo, horumar iman maayo, ictiraafna iman maayo oo ha u fadhiyin.”

Comments are closed.