Cabdillahi-Cirro Oo Ka Hadlay Fool-xumadii Xukumadu Ku Qaabishay Rayale, Arimaha Nabadgelyada Iyo Urur La Sheegay In Madax Looga Dhigay Madaxweynihii Hore

2
787

 

cirroHargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha xukuumadii hore Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa ka hadlay talaabadii uu wasiirka duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, kula kacay Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin oo Isniintii ku soo guryo noqday Hargeysa, talaabadaas oo ay dad badani cambaareeyeen kuna tilmaameen inay ka soo horjeedo milgaha iyo sharafta dawladnimo.

Md. Cabdillaahi-Cirro, oo isagoo jooga magaalada Hargeysa shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu talaabadaas ku tilmaamay mid fool xun, waxaanu sheegay inuu filayay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka bixiso raali gelin balse aan ilaa hadda laga hayn. Cabdillaahi Cirro, waxa kale oo uu beeniyay warar dhawaan ay warbaahinta qaarkeed baahisay oo sheegayay in Daahir Rayaale Kaahin madax looga dhigay urur argagixisada la dagaalama, waxa kale oo uu ka hadlay nabadgelyada Somaliland, mawduuca furashada ururada siyaasadda xisbiga UDUB iyo arrimo kale. Waraysigaas uu Geeska Afrikala yeeshayna wuxuu u dhacay sidan:

Cabdillaahi;  toddobaadkii dhammaaday waxa dalka ku soo noqday Madaxweynihii hore, waxaana madaarka Hargeysa loogula dhaqmay si aan qurux badnayn, dareenkii arrintaas laga bixiyayna wuxuu yeeshay wejiyo badan. Adigu sideed u aragtaa?

Arrintaasi runtii waxay ahayd arrin aad iyo aad u fool xun dhaqan ahaan iyo maamuus ahaanba. Madaxweynihii soo guryo noqonaayey Mr Daahir Rayaale Kaahin wuxuu ahaa madaxweynihii dalka u hor seeday Dimuquraadiyada, gaar ahaana wuxuu ahaa ninkii xilka ku wareejiyey sida karaamada iyo sharafta leh, adduun weynaha oo dhana looga aqoonsanyahay, dalalkii uu soo maray sida itoobiya iyo Jabuutina si xushmad iyo qadarin leh looga soo dhaweeyey. Iyada oo taasi ay tahay markii dalkiisii uu ku soo noqonaayey in arrintii maalintii dhawayd dhacday ee foosha xumayd oo VIP-dii uu sameeyey intii uu xilka hayey isagu (Rayaale) la yidhaahdo gali maysid oo loo furi maayo, runtii wax ayaan daro ah ayey ahayd. Anigu goob joog ayaan ahaa wajiyo kasta haloo sameeyee. Ninkii masuulka ka ahaa xilkaas ee meesha joogay habkii uu ula dhaqmay masuuliyiintii ka hor tagtay madaxweynaha ee soo dhawaynaysay oo xisbiyada mucaaridka ahaa (UCID IYO UDUB) runtii waxay ahayd wax laga yaqyaqsoodo oo milgaha, karaamada iyo nidaamka dawladnimo ka fog. Waxay ahayd in la yidhaahdo saddexda wasiir oo kaliyi halkaas (VIP-dii hore) gala, iyada oo waliba xagga shishe ka xidhantahy dadkii kale oo idilna dibada lagu celiyo. Anagu anaga oo eegayna lexejeclada madaarka aanu ka qabno, maadama oo aanu maalgalin badan aanu galinay wakhtigii aanu joognay haddii ay tahay xagga nabad galyada iyo haddii ay tahay xag muuqaalba.

Waxa xusid mudan wakhtigaas aanu joognay madaarka oo aan filaayo in aad idinku joogteen haddii aad tihiin war-baahinta waxaa dhoofayey dad badan oo ajinabiya, waxaa joogay diyaarado badan oo ajinabiya  oo kacayey oo fadhiisanaayey, sumcad xumo ayey ku ahayd haddii aanu markii halkii gudaheeda ku yooyotano, markaa anagu waxaanu garanay anaga oo lexejecladaas qabna in aanu banaanka uga soo baxno. Waxa kale oo iman karaysay nabadgalyo xumo wayn, oo anigu markii ninka masuulka ee maanta madaarka ka masuulkii ahaa aanu dareen-sanayn, ama aqoon aanu u lahayn ha ahaato ama ujeedo uu doono haka lahaadee, waxaa ka mid ahayd haddii wax yar la tuuro ama dhagax ha ahaato ama xabadii dhacdayba ay goyso waayirka hawada ku xidha madaarka, Hargeysi waxay ku taala meel hal-bowle ah oo aduunka oo idil uu ina dul maro oo intaas oo diyaaradood ayaa ina dul mara oo aviation-keenu uu hagaa. Xabad yar oo seeraaro ah oo ku dhacda ama dhagax la tuuro oo ku dhaca ayaa hakin lahaa diyaarada ina dul mara oo dhan. Markaa xagaa nabad galyadana kamuu eegin, xagii sumcada, kala danbaynta iyo qiimayntana kamuu eegin.  Hase-yeeshee anigu qof ahaan waxaan isku qanciyey qof wuu qaldami karaa, aragtidiisa iyo halka uu taagan yahay waxaan is lahaa waa qalad uu isagu sameeyey, hasa yeeshee ilaa maantadan aynu taaganahay markii aan arki waayey xukumadii oo ka hadashay ama raali gelin ka bixisay ama canaanatay cidii waxaas samasay, ilaa hadeer may  dhicin, walaw uu wali khati taagan yahay oo aan is leeyahay way dhici kartaa. Aniga dhagahaygu waxay u taagnaayeen dawladu waxay odhan doontaa arrinta sidaas u dhacday waa fool xumo, waayo maanta taa ku bilaabmatay ayaa madaxweynaha marka uu xilka ka dago ee ay maalintiisa noqoto u qoolan, waayo waa sunaha dawladnimo ee aynu imika jeexanay oo inoo hana qaadaya. Markaa haddii maanta madaxweynihii hore ee xilka ka dagay wixii lagu sameeyo madaxweynha ku xiga iyo ka ku sii xigana waxa weeye nidaam taxane ah. Si kastaba ha ahaatee anigu waxaan u arkaa arrintaas mid aad iyo aad looga qay qaysoodo.

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha ayaad ahayd oo masuul ka ahaa amniga qaranka. Sidee ayaad u aragtaa arrimaha nabad galyada ee Somaliland?

Horta sideedaba nabadgayladu dadka xilka haya ayey badanaa saaran tahay, iyaga ayey waajib kooda tahay inay ka hadlaan. Laakin markaan keliday  wax ka sheegayo waxa weeye nabad galyada Somaliland waa midkii aynu ku caano maalnay ee aynu ku faanay ee aynu adduunka  oo idil baalka dahabka ah  kaga qoranahay. Sidaas daraadeed tiirka koowaad ee nabad galyada Somaliland ku dhisan tahay waa shacabka. Haddii ay tahay wakhtigii aanu haynay iyo haddii ay tahay qolada imika haysa, markaa shacabka reer Somaliland waxaan kula dar daarmayaa sidaan awalba odhan jiray nabad galyada cidna haku halaynina ee idinku ilaashada oo idinku Boolis noqdo, oo nabad ilaaliyayaal noqdo oo cadawgiina sidii aad awalba u ilaalin jirteen u ilaaliya. Ciddaad xilka saarteena waa waajibaad saaran oo xagga dastuuriga ah iyo kitaab ay u dhaarteen, iyagana waa inay waajibkooda u gutaan.

Waxa jira warar ay warbaahinta qaarkeed qortay oo sheegayay in madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin loo magacaabay madaxa la dagaalanka argagixisada ee gobalka Geeska Afrika. Arrintaas maxaa ka jira?

Maalin dhawayd waxa Wargeys lagu qoray kelmad loo qaatay in Madaxweynihii hore madax looga dhigay urur argagixisada la dagaalama, mana aha mid ay wax ka jiraan, waxaan u arkaa inay ahayd sumacad dil wax lagu qoslana way ahayd in kastoo aanay sumacada ka dili karayn. Waxa isku beegnayd maalinta madaarka iyo maalinta joornalka oo ahayd maalintii ka sii horaysay oo aad moodaysay in laga sii hor degay. Waxay la mid ahayd mar aniga oo Hargeysa jooga uu joornaal qoray  Daahir Rayaale Kaahin iyo Cabdilaahi Cirro ayaa markab kula shiray CIA-da badda Djibouti  dhexdeeda, wakhtiga ay waxaas qorayaana Hargeysa ayaan joogaa. Markaa beenta intaas leeg nimankii qoray maantana qoraya urur argagixisada la dagaalama ayaa madax looga dhigay waa wax lagu qoslo oo macno darro ah. Daahir Rayaale wuu  ka karaamo iyo sharaf badan yahay waxaas, maanta meel kasta oo uu adduunka ka tago waa looga kacaa oo waa laga karaameeyaa. Markaas urur yar oo argagixiso la dirir ah  nin ku soo noqonaya ama ay karaamadiisaba tahay maaha, ninka is lahaa wax ku yeel waxay ila tahay in aanu waxba ku yeeli karayn. Markaas warkaasi maaha mida jira ee waa been abuur.

Xisbigii UDUB, guddoomiyihisii haatan wuu soo noqotay, bal ka waran xisbigii?

Maadama oo guddoomiyihi  yimid waxaanu rajaynaynaa in aanu imika boodhka ka tuno oo golihii dhexe la dhiso oo ay halkaas hawshi ka dhaqaaqdo.

Arrinta furashada ururada siyaasada sideed u aragtaa?

Arrinta furashadu waxay ahayd mid lagu hawl galay xilligii ololaha oo  codad badan lagu helay. Balantii ay qaadeen waa kaa fuliyey ee ilaa baarlamaanka gaadhsiiyay. Markaa baarlamaanka ayey u taala inay wajibaadkooda ka gutaan.

Comments are closed.