Hannaanka Socod Ee Qofka Iyo Xawaaraha Tallaabadiisa Ayaa Laga Garan Karaa Heerka Caafimaad Ee Maskaxdiisa

0
742

1Washington (Geeska)- Cilmibadhis Maraykanka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in hannaanka socod ee qofka uu noqon karo ishaaro laga qaadan karo saadaasha caafimaadkiisa, gaar ahaan xusuus lunka ku iman kra, ama hoos u dhaca heerka fikirkiisa. Tusaale ahaan dadka ay dhibaatadu ka haysato socodka, sida in xawaarahoodu hoos u dhaco ama in marka ay socdaan iska dareemaan isu-dheelli-tirnaan la’aan ay tahay calaamad lagu garan karo in uu qofkaas halis u yahay cudurrada la xidhiidha ama keena xusuusta oo lunta ama daciifta iyo in fiirsiga iyo dhugmadu ka lunto maskaxda.

Si ay u sii xaqiijiyan heerka hoos-u-dhacaasna waxa ay cilmibaadhayaashan oo ka tirsanaa cisbitaalka Mayo ee gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka, iyaga oo si gaar ah u tijaabiyey cabbirk dhererka tallaabada, xwaaraha socodka, tirada tallaabooyinka, waqtiga uu qofku socday,iyo dhaqaaqa labada gacmood uu qofku ka sameeyo marka uu socdo, taas oo aakhirkii ay ku ogaadeen in uu jiro xidhiidh adag oo ka dhexeey khalkhalka dhinaca socodka ee qofku isku arko iyo hoos u dhaca xusuustiisa.

Natiijada cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu bahiyey  joornaalka Alzheimer's Disease waxa ay intaas ku dartay in uu jiro xidhiidh adag oo ka dhexeeya khalkhalka ku yimaadda hannaanka socod ee qofka iyo hoos u dhaca xusuusta, iyo sidoo kale in uu yarado heerka fikirka, awoodda hadalk iyo isticmaalka luuqadaha iyo dhugmada. Dr. Rodolfo Savika oo ku xeeldheer cilmiga caafimaadka neerfaha, daraasadanna madax u ahaa ayaa tilmaamay in khalkhal ku yimaadda hannaanka socod ee qofku ay sidiisaba timaaddo siina korodho mar kast oo ay da’diisu sii weynaato, laakiin haddana ay xidhiidh la’leedahay hoos u dhac xusuusta ah oo qofka ku soo fool leh.

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna tilmaamay in gaabis ku yimaadda xawaaraha socod ee qofka iyo isu-dheelli-tirnaanta laga dareemayo marka uu socdaa ay tahay digniin inoo sheegaysa in qofkaas uu ku soo fool leeyahay cudurka asaasaqa, iyo in ay hoos u dhacdo awoodda garasho iyo xusuuseed ee maskaxdu. Si kastaba ha ahaato ee waxa ay khubaradu sheegeen in gaabiska socodka oo keliya aanu ahayn calaamad muujinaysa caafimad darro maskaxda ah, balse sidoo kale xawaaraha socodka ee qofka oo mar keliya sidii uu ahaan jiray ka kordha ayaa iyaduna ah calaamad muujinaysa in ay jirto dhibato dhinaca xusuust iyo fahamka ee maskaxda ahi.