Odayaasha Deegaanka Haleeya Oo Xukuumadda U Diray Baaq Ay Kaga Cabanayaan Iskaragoyinka Ciidda Gura

0
723

Picture1Hargeysa(Geeska):-Odayaasha deegaanka tuulada Haleeya, ayaa baaq ay kaga cabanayaan Iskarogooyin ciid ka gura dooxa Haleeya u diray xukuumada Somaliland, waxaana ay sheegeen in Iskarogooyinkaasi ay khatar ku hayaan dooxa Haleeya oo ay waxyeelo badan u gaysteen ceelashii biyaha ee ay ka cabi jireen dadka deegaankaasi, waxaana ay tilmaameen in hada ay dadka deegaankaasi ay ku dhaw yihiin xaalad biyo la’aan ah.

Dadka deegaanka Haleeya, ayaa hadalkan ka sheegay mar ay shalay warbaahinta kula hadlayeen magaalada tuulada Haleeya, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay mid ka mid ah dadka deegaanka ku dhaqan, isaga oo ka waramaayana dhibaatada ay kala kulmeen Iskarogooyinka ciidak ka gura dooxa magaalada Haleeya, ayaa waxaa uu yidhi:"Dooxan ay biyahu maraan ee Illaahay sameeyey, waxaa uu u sameeyey sida hay'addahan yidhaahda waxaanu xidhaynaa biinan ee biyaha joojiya, Illaahay biinan ayuu u sameeyey oo biin biin ayuu u joojiyey, labadii So'oodba dhexdooda biinan ayaa ah, marka biinta laga guro biyaha labada ceel u dhaxaysa, kaa biyaha hayaana waa uu guurayaa oo waa uu ka cayaa, marka ay sidaas tahay imika Labada so'ood ee kaa Haleeya iyo kaa biyo Shalax, ayaa dee noo hadhay waliba dee kan Haleeya waaba uu dhintay oo waxbaba kuma noola oo sawiradoodii iyo nidaamkoodiiba Dawlada Hoose ayaanu ugudbinay, waxaanu ka codsanaynaa dawlada, maamulku meel kasta oo uu joogo dadka ceelashan ka cabaa meelo kala duwan ayey uga yimaadaan, marka bal anaga dee meelo ha nala dhigo oo dee marka wax la rogaayo waxii dadka sii anfacaayey ayaa la sii dhigaayee matalan dee Riig oo kale oo dee waxii dadku ku cabi lahaayeen ah, markaa dee intii yaraydba ha laga qaado dee dhibteeda ayey leedaha, waxaanu dawlada mid sare iyo mid hooseba ka codsanaynaa dee dadkaa Majarafadaha la yaacaya ee dad aan danaynayn, dalna aan danayn ee aan waxba danaynayn in ay naga qabato".

Cabdifataax aw-Axmed Muxumed, oo isna sida oo kale ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa, waxaa uu xukuumada ku eedeeyey in ay dadka masaakiinta ah ee ku dhaqan deegaankaasi ay ka door biday nimanka Iskarogooyinka ee shilimada lacagta ah la yaacaya.

"Waxaa muuqata in nimankaa Iskarogooyinka wataa ay dalamguuriyeen dooxii oo xabad ciidiba maanta dooxa ma taalo, waxaa ka muuqata in xukuumadu ay ka door biday nimanka Iskrogooyinka wata ee lacagta la yaacaya in ay danayso oo ay ilowdo dadkii xaqa ku lahaa ee xuquuqda ku lahaa ee soo saaray dawlada oo dadkani waa dadkii u codeeyey xukuumada soona saaray, aniga oo ka tirsan deegaanka Haleeya gaar ahaana aan beero ku leenahay halkan, waxaan wasiirka arrimaha gudaha ka codsanaynaa in dhamaan xukuumada Somaliland ay ka gurmadaan oo ay  ka gargaaraan dhibaatada halkaas ka soo fool leh, waayo waxaa iman karta mid nabad galyo darro oo deegaanku waxaa uu ku tashaday oo uu ku meel maray oo aanu ku kala hadhin cid kasta oo soo weerarta biyahooda in ay iska celiyaan."Ayuu yidhi Cabdifataax aw-Axmed Muxumed .

Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha tuulada Haleeya Md:Cabdifataax Ismaaciil Muuse, waxaana uu baaq u diray xukuuda."Ciidan la sheegayo ee iskarogooyinku ay meesha ka guraan, waxa weeye tuulada Haleeya waxaa ay lahayd Afar So'ood waa ay wada baa'ba'een, laba ayaa ka hadhay Afartaa Labadiina waataa la'isku haysto ee dadka deegaankuna ay aad uga kacsan yihiin ee la'iskugu wada yimi, ta labaad ee kale iyadana wali lama gaadhin, waxa aanu ka hadlaynaa ee aanu sheegaynaa waar dadkan baabuurta wata ee gudiyada samaystay siyaasad ayaa ku jirta, waxa weeye shirkadahan dhismayaasha in ay awood ku qabtaan oo ay kaantaroolka ay ugu qabtaan haddii ay awood halkaa ugu qabanayaan dee anaga wax noo yaala maaha se annagu ka deegaan ahaan ayaanu ka cabanaynaa dhibaatada na haysata, waxaanu maalin dhawayd maayirk ku xigeenka aanu gaynay saddex doox oo Oomane ah, maalin dhawaydna xildhibaanada golaha deegaanka ayaanu gaynay intaaba waxaanu u gaynaynay oo aanu tusaynay in aan wadanka ciid la'aani aanay oolin ee in ay jirto dooxan laga cabaayo in la' iskugu imanaayo oo dooxii laga cabaayey ee umaddu isagu imanaysay, maanta xoolahii halkan ka cabaayey waxaa ay qaanayaan Rabley kuwii Haleeya ka cabaayeyna waxaa ay Foosto la taagan yihiin Haleeya, waxaana waxaa noogu sabab ah intii ay Iskarogooyinkaasi ay ciida ka guraayeen dhinaca waqooyi, biyo la'aana markaas ayaa noogu horeysay, markaa Xukuumada waxaanu ka codsanaynaa in ay arrinta soo fiiriso oo ay hoos u soo eegto."