Halkudhegyo Si Xikmad Leh Uga Hadlaya Dumarka Iyo Duruufaha Kala Duwan Ee Ku Xeeran Nolosha Qoyska

0
8679

– Gabadha Talyaani haddii aad jacayl u sheegato kuma rumaysanayso in aad dhab u jeceshay illaa aad darteed dhagar u gasho, Gabadha Inigiiris jacaylkaaga ma rumaysanayso illaa aad xoolo badan ku bixiso. Laakiin gabadha carbeed in aad jeceshay waxa ay rumaysanaysaa oo keliya marka aad guursato.

– Dagaalku waxa uu leeyahay xeer la iska yaqaanno oo ah, “Goob kasta oo la go’doomiyo, gurmad dibadeedna aanu u iman, waxa ay ku dambaysaa uun in ay is dhiibto” Haddaba dumarkuna waa sidaas oo kale uun.

– Inta ay gacantaadu furantay laba shay ayuun baa la hubaa in aad hayn karto, waa dhibicda maadadda Meerkeriga (Mercury) iyo gabadha, maalinta aad gacanta isku xidho ayaana labadaba kuugu dambaysa.

– Ninku gabadha jecel laba siyood ayuun baa uu ku dili karaa; Waa dilka caadiga ah iyo dilka kale oo ah in aad jeclaato gabadh kale.

– Jacaylku waa in laba qof isku mar danaysteyaal noqdaan.

– Marka aad aragto gabadha oo muraayadda la isku eego ka cabanaysa, waxa aad garataa in ay gabowday.

– Inanta caqliga badani ninka ma raadsato, xitaa haddii ay jeceshay, waayo ugaadhu ma eryato ugaadhsadaha.

– Xaqa sheeg aad saaxiibba weydid ee.

– Ninku mabda’ uu qabo awgii ayaa uu u gawracaa qof kasta, gabadhuna qof ay jeceshay dartii ayaa ay mabda’ kasta uga tallaabsataa.

– Ninku afada uu guursanayo indhihiisu waxa ay arkayaan oo keliya kuma xusho, balse dhegihiisuna xulashada waa ka qayb. (Ereyada ay leedahay ayaa muhiim u ah).

– Dareenka jacayl haddii afku sheegi kari waayo, indhaha ayaa uu ka soo baxaa. (Indhaha qofkaa laga gartaa)

– Ninka halka ugu dambaysa ee dhimataa waa qalbigiisa, gabadhana waa carrabkeeda.

– Lammaanaha is qabaa si ay farxad iyo isfaham ugu noolaadaan waxaa muhiim ah in labadooda midkood uun garaad badnaado, (Haddii ay labaduba garaad badnaadaan is hoggamaaminta ayaa lumaysa)

– Nin jilicsan ama aadka u dabacsan gabadhu waa ay ixtiraamtaa, laakiin ninka qallafsan ayaa ay jeceshay

– Qof kasta waxaa ku lammaan tuug xariif ah oo xadaya dhalinyaronimadiisa, tuuggaas magaciisu waa ‘Waqti’

– Guurku waxa uu ku bilowdaa, bisha kalgacalka, waxaa xigta bisha hadalka, waxaa xigta bisha riyada, kadib waxaa bilowda bilaha murugada.

– Haddii aad aragto gabadh ka sheekaynaysa ninkeeda oo ku tilmaamaysa qurux iyo dhammaystirnaan ama ragannimo, waxa aad ogaataa in ay carmal tahay… Gabadhu khudradda bisil intay haysato ma jecla ee marka ay khaayisto ayey wanaaggeeda garataa.

– Raggu laba qolaba doorashadooda kuma fiicna. Dumarka/xaaska ma dooran yaqaannaan, cadowgoodana sidaas oo kale.