Toontu Waa Dawo, Laakiin Dad Badan Ayaa Urteeda Darteed U Naca, Haddii Aad Kuwaas Ka Mid Tahay Habkan U Samee Si Urtaas Aan La Jeclayni Ay Uga Tagto

0
1486

Tookiyo (Geeska)- Wargeys lagu amgacaabo Japan today oo ka soo baxa dalka Jabbaan ayaa khabiir u dhashay dalka Jabbaan ka soo xigtay suurtogalnimada in toonta loo sameeyo hab aanay ur samaynayn oo sida shaaha ama bunka loo cabbi karo. Khabiirkan ayaa sheegay in ay toontu marka habkan uu sheegay loo sameeyo ay noqonayso sida bun ama shaah aan keliya lahayn maaddadda Caffiene.

Khabiirkan lagu magacaabo Yokitomo Shimotai oo 74 sano jir ahi waxa uu wargeyska u sheegay in caafimaadka ay u fiican tahay in shaah toontan la cabbo habeenkii marka la sii seexanayo, waxa aanu caddeeyey in aanu sida bunka ama shaaha hurdo xumo keenayn, iyo in sida dad badani u qaadan karaan aanu keenayn wax ur aan la jeclaysan ah oo afka ku sii hadha, sababtuna ay dubista marka hore la dubo iyo karinta oo urta ka kaxaynaysa.

Xeeldheerahani waxa uu sheegay in uu si kedis ah uu muddo hadda laga joogo 30 sano, kadib u ogaaday in marka toonta la dubo kadibna biyaha kulul lagu darsado in urta toontu ka tagto iyo in ay yeelanayso dhadhan fiican oo aanu qofku nacayn cabbistiisa.

Khabiirkan oo sii sharraxayey sababta urtu ay uga tegeyso toonta ayaa sheegay in marka hore la dubayo illaa ay casaato, iyada oo furinka caadiga ah ee laydhka lagu dubayo, kadibna la ridqayo, kadibna tallaagadda lagu yara qaboojinayo, markaas kadibna biyaha oo karaya lagu dhex rudayo sidaasna ku noqonayso cabbitaan aan ur lahayn.