Hal-Qabsiyo Iyo Maahmaaho Ay Ummadaha Kala Duwan Ee Dunidu Ka Yidhaahdeen Dumarka (2)

0
1081

Picture8Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Labaad ee qormadii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey halku-dhegyo iyo maahmaaho kala duwan oo ay bulshooyinka  dunidu ka yidhaahdeen dumarka:

Ruushka: Gabadhu hal mar ayey maskaxdeedu kulmin kartaa 77 Ra'yi.

Talyaanig: Quruxda cirku waa xiddigaha, quruxda dumarkuna waa timaha.

Finland: Guriga taajirka faras ka iibso, guriga faqiirkana gabadh (Xaas).

Bulgaria:Ha isku hallayn qorrax jiilaal iyo qalbi dumar midna.

Sweden: Qalbiga gabadhu wuu ka aragti fiiqan yahay, indhaha toban nin.

Japan: Dumar la'aantood muranba ma jireen.

Denmark: Nin dhego la' iyo xaaskiisa oo indho la' ayuunbaa noqon kara qoyska ugu faxadda badan dunida.

– Rag waxaa ugu ayaan badan ninka isku hela xaas raalliyo ah iyo caafimaad.

–  Faylasuuf: Dhoolla caddaynta gabadha quruxda badani, waxa ay ninka u fududaysaa in uu ka gudbo buuro dhaadheer iyo badwentaba.

– Xaaskaagu waxa ay kaa mudan tahay in ay kaa hesho; Naxariistii aabbo, daryeelkii hooyo ilaalintii walaalka.

– Gabadhu waxa ay ku fikirtaa keliya waa jacayl ama aarsi.

– Gabadhu waa ay illaabi kartaa dulmiga iyo macaamilka qallafsan ee saygeeda kaga yimaadda, laakiin lama arag gabadh cafiday nin daryeel ay ka weyday.

– Ninku ma jecla gabadha uu fahmo, balse waxa uu jecel yahay gabadha isaga fahmi karta.

– Gabadhu jacaylka karaamadeeday ku illawdaa, hinaasahana jacaylkay ku illawdaa.

– Gabadh jacayl nacday waa gabadh ku fashilantay jacayl hore.

– Gabadhu toban sano ayaa ay ka shaqaysaa in ay beddesho dhaqanka iyo caadada ninka, marka ay ku guulaysato kadib ayaa ay, haddana iyadii garan weydaa ninka oo ay ka shakidaa in ninkani uu leeyahay shakhsiyaddii ay u guursatay.

– Gabadha Haa-deeda iyo MAYA-deeda uma dhaxayso masaafo irbad qaadi kartaa.

– Gabadhu hal mar ayaa ay wada tahay, Tufaax iyo Mas.

– Gabadhu waa sida shinnida oo ka ay jeclaato malab ayey ka dhargisaa, ka ay nacdana qaniinyo ayey ku dishaa.

Gabadhu ninka ay jeceshay ayaa laga garan karaa afkaarta ay aaminsan tahay iyo ujeedooyinkeeda u qarsoon:

– Askariga: Gabadha jecel inay guursato sarkaal (Askari): Waa gabadh khayaaligu ku badan yahay, inta badanna ku daganta muuqaalka duleed ee arrin kasta.

– Qareenka: Gabadha jecel inay guursato Qareen (Looyar): Waa gabadh dhibta iyo balaayo raadintu u dabeecad tahay.

– Injineerka: Gabadha jecel inay guursato Injineer, waa gabadh waaqici ah, oo aaminsan in dhabta iyo jidka toosan uun lagu gaadhi karo ujeeddada iyo qalbiga ninkaba.

– Saxafiga: Gabadha jecel ninka saxafiga ahi, waa gabadh is miidaamin badan. Dhammaaad