Qisada Gabadh Geerideedu Malaga Nafta Qaada Ka Oohisay, Iyo Nin Uu Ku Qoslay Dhimashadiisa (1)

0
695

Hargeysa (Geeska)- Waxaa jira qisas badan oo Islaamiya oo in badan aynu aragno ama maqalno, laakiin ay yar tahay in aynu hoos ugu dhaadhacno xikmadda ku duugan iyo cibaarada Alle innagu siinayo. Wargeyska Geeska Afrika waxa uu maanta akhristayaashiisa la wadaagayaa qisadan, oo ka waramaysa laba dhimasho, oo midi ay tahay aad uga oohisay Malagga nafta qaada ee Alle ku soo amray in uu nafta ka soo qaado, iyo nin isagana uu malagga nafta qaadaa ku qoslay, markii uu nafta ka qaadayey. Qisadan oo uu wargeyska Geeska Afrika afsoomaali u rogay sidan ayaa ay u dhacday:

Qisada Koowaad: Gabadh ka oohisay malaggii nafta ka qaadayey.

Alle ayaa malagga nafta qaada amray in uu nafta ka soo qaado gabadh ay ajasheedu dhammaatay, sidii amarka Alle ahaa ayaa uu malaggii u abbaaray halkii ay gabadhu joogtay.

Malaggii markii uu u soo dhowaaday gabadhan ayaa uu malaggii aad uga damqaday xaaladda gabadhan uu nafta ka qaadayo, aad ayaanu u ooyey.

Gabadhan uu Malagga nafta qaadaa u yimid iyada oo ilmo yar xambaarsan ayaa ay safar ku jirtay, markan keli iyada oo ah ayaa ay ku sugnayd lama-degaan aanay cidi ka ag dhoweyn, weliba gaar ahaan marka uu u yimid ilmaheeda yar ayaa ay naaska ku duweysay, cid deegaankaas ka ag dhow oo la rajaynayo in ay u timaaddo ama ogaata geerideeduna ma’ay muuqan.

Malaggii markii uu xaaladda gabadhan arkay, isaga oo og in uu hadda nafta ka qaadayo, ilmaha yarna aanu ka qaadayn, aad iyo aad ayaa uu uga naxay, oohin aad u daran ayaanu naxariis darteed is-hayn kari waayey. Laakiin waa malag Alle soo diray oo dood iyo war-celini ugama furna, keliya waa in uu qabtaa hawsha Alle u soo diray oo ah in uu gabadhaas nafta ka soo qaado, sidii ayaanu yeelay.

Qisada Labaad: Ninka uu Malagga naftu ku qoslay markii uu nafta ka qaadayey:

Dhacdadan xanuunka badan muddo sannado badan ah ayaa ka soo wareegay, mar kale ayaa malaggii nafta uu Alle u soo diray hawl-naf qaadid ah oo laakiin goobta ay ka dhacayso iyo cidda uu nafta ka qaadayo iyo xaaladda qofkan uu nafta ka qaadayaaba aad u kala duwan yihiin. Haddii uu malaggu sannadahaaas ka hor ka ooyey xaaladda gabadhaa uu nafta ka qaadayey ku sugnayd iyo dayacaadda uu uga baqay ilmaha yar ee ay naaska siinaysay ee saxaraha kelidii uu kaga tegi doono. Maanta waxa uu ku qoslay nin oday aad u da’ weyn ah oo uu nafta ka qaadayo. La soco…