Digniin Caafimaadk: Iska Jir In Aad Bunka Cabto Subaxda Hore, Marka Aad Hurdada Ka Soo Toosto

0
650

London (Geeska)- Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in waqtiga ugu fiican ee ay tahay in uu qofku cabbo bunku ay tahay saacadaha u dhexeeya 9:30 dubaxnimo illaa 11:30 isla gelinka hore. Khubaradan oo arrintan sii faahfaahinayey ayaa sheegay in heerka hormoonka Cortisol ee masuulka ka ah heerka macaanka ee dhiigga ku jira iyo wareegga dhiiggu uu aad u sarreeyo, inta u dhaxaysa siddeeda subaxnimo illaa sagaalka, sidaa awgeed aanu saacadahaas jidhku qaadi karin maadadda Caffeine ee bunka ku jirta.

Steven Miller oo ah saynisyahan ka tirsan jaamacadda Bethesda oo ku taalla gobolka Maryland ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in heerka maadadda Cortisol uu dabiici ahaan aad u sarreeyo marka uu qofku subaxda hore soo kaco, sidaasna sii  ahaado illaa ugu yaraan hal saac kadib, sidaa awgeed ay fiican tahay in qofka bunka cabbayaa uu ka dambaysiiyo saacadahaas aynu kor ku soo xusnay.