Hagardaamooyinka Taariikhiga Ah Ee Boqortooyada Britain U Gaysatay Somaliland

0
511

BAASHEEng. Bashe C. Gaboobe Q2aad

 

Somaliland waxey xornimadeedi qadatey 26 june, 1960.waxaaney la midoowdey konfurta Somaaliya oo Talyaanigu gumeysan jire 1july,1960.midoowgaas oo sharci darro aha sida guurka sharci darrada ah waayo lama sameeyn sharcigi midoowga (No act of union).Nasib darro se nimanki siyaasiyiinta reer konfureed iyago ka faa’ideysanaya waayo aragnima la’aanta siyaasiyiinta reer waqooyi iyo kalgacalka ay u qabeen midnimada shanta Somaaliyeed aya waxey wada qaaten,mansabyadi muhimka ah oo dhan sida madaxweynaha,Ra’isal wasaaraha,wasaaraddihi,arrimaha guaha,difaaca,maaliyadda ,arrimaha debedda iyo Caasimaddi ,iwm .

1969 dalka waxa xoog ku qabsadey ciidanki militariga oo u hoggaaminaayo jenaraal maxamad Siyaad Bare,kaasoo xasuuq ba’an u geystey dadka reer Somaliland kuna kalifey iney sameeyaan jabhadda la magac baxdey Somali National Movement(SNM) .taas oo dagal adag oo qadhaadh la gashey iyada iyo SPM iyo USC  oo konfur ka dagaalamay. 1991 aya Siyaad Bare ka carareey Somaaliya .
Haddaba konfur sidi caadada u aheyd ayey xukunki isku qabsadeen oo dhiig bax ka socda ilaa maanta iyago tix raacaya maah maahdi Soomaaliyeed ‘’bahal caydhin ma daayo ninna caadadi ma baajo’’,halka Somliland ku talaabsatey dib u heshisiin beelihi walaalaha ‘ ah(peace making) ,dhisid dawlad loo wada dhan yahey oo kala dambeyn leh,sameeyn dastuur qaran oo afti loo qaadey (97% oggoladeen) oo qodobka koobaad yahey  gooni’isu taaga Somaliland wa lama taabtaan ,fidinta xorriyatal qawlka iyo dimuqraadiyadda,dhisidda kabayaasha dhaqaale, iwm.Waxa la qabtey Shan doorasho oo muwaadinku hal cod leyahey ,afar madaxweyne aya si nabadgelyo ah xukunka isku beddeley.

Haddaba iyado  xaalku halka maraayo oo Somaliland iska illowdey taariikhdi hore madoobeyd ee Britain iyado tix raaceysa maah maahdi Somaaliyeed ee othaneysey’’ wixi tagey tiigsimaad ma leh ‘’

Aya dawladda Britain si badheedh ah oo indha la’aan ah mar kale is hortaageysa rabitaanka iyo himiladda shacabka reer Somaliland inu yeesho dawlad xor ah oo ka mid noqota dawladaha madax bannaan ee adduunka ka jira, xuduudeduna tahey xuduuddi British Protectarate.iyado Britain dooneyso iney nagu khasabto inaanu ku noqonno midnimadi sharci darrada aheyd iyado marna ku khasbeysa xukumaddayada iney ka qeyb gasho shir u hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya,mar kalena ku tilmaameysa Somaliland meel nabadgelyadeedu xuntahey waxaaney dadkeedi ku amartey in si deg deg ah Somaliland uga baxaan,iyado ku andaconeysa inu wadanka ka dhacayo falal argagixiso,kaasoo beenoobey .Waxa kalo jira in Marki loo magacaabey MR. Nikolas kay oo ah nin ka soo jeeda Britain, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee jamciyadda qurumaha u qaabilsan Somaaliya madaxa UNSOM in tallaabadi UN ta ee u horeysey ee UN tu qaado ay noqotey in masuuliyadi cirka Somaliland iyo Somalia ay hoos geyso dawladda Somalia ee taagta daran .

  Haddaba waxaan caalamka u sheegeya in Somaliland dib ula soo noqotey madax bannaanideedi ,taas oo lo hurey konton kun oo shahiid iyo boqolaal kun oo naafa ah,magaalooyinka iyo tuulooyinka Somaliland oo la wada burburiyey, xasuuqaas oo u geystey nidaamki dhiig yacabka aha ee Siyaad Bare inaanu jirin adduunka awood ku khasbi karta Somaliland iney dib ula midoowdo Somalia.

Dhamaad.

Alla mahad leh,

 Eng. Bashe C. Gaboobe