Ergayga Qaramada Midoobay Oo Ka Jawaabay Go’aanka Ay Somaliland Ku Mamnuucday Xafiiskiisa UNSOM, Si Koobana Uga Hadlay Dareenkii Dawladda

0
4153

Picture6Hargeysa(Geeska)-Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa sheegay inuu dulqaad u yeelan doono go’aanka ay dawladda Somaliland ku mamnuucday in xafiiskiisa UNSOM laga furo caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

Dawladda Somaliland ayaa danjire Kay, markii uu la kulmay Madaxweyne Siilaanyo ku wargelisay inaan xafiiskiisa UNSOM la ogolaan doonin in laga furo Hargeysa, maadaama oo uu ka soo horjeedo qaranimada Somaliland. Danjire Kay, oo u muuqday inuu ka damqaday go’aanka Somaliland ayaa ka gaabsaday inuu saxaafadda la hadlo. Hase yeeshe wuxuu farriimo kooban oo Diblomaasiyadeed ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitterka iyo barta uu xafiiskiisu ku leeyahay face book. “Somaliland waxay warwar ka muujisay shaqada UNSOM. Waa wakhtigii la is dejin lahaa. Xafiisyada UN-ka mar walba waa la helayaa, caawimana way gaysan karaan. Waan dulqaadan doonaa.” Weedhahan ayuu danjire Nicholas Kay, shalay ku qoray bartiisa twitterka, ka dib markii uu ka dhoofay magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, bogga uu xafiiskiisa UNSOM ku leeyahay facebook, ayaa waxa la geliyay qoraal kooban oo uu leeyahay Diblomaasigani. “Si dhab ah ayaan u qaadanayaa walaaca ay dawladda Somaliland maanta muujisay. Waa mawduuc kakan oo xaasaasi ah, waxaanan rumaysanahay in xafiiska UNSOM uu dhinacyo badan faa’iido uga yeelan doono Somaliland, iyadoo si dhab ah loo tixgelinayo duruufaheeda gaarka ah. Waxaan u rajaynayaa in wada hadalku sii socdo.”