Wasiirada Khaarajiga Ee Masar Iyo Itoobiya Oo Baajiyay Shirjaraa’id Oo Ay Wada Jir U Qaban Lahaayeen

0
4235

Addis Ababa(Geeska)-Wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada Itoobiya iyo Masar, ayaa shalay baajiyay shirjaraa’id oo ay wada jir u qaban lahaayeen, ka dib markii ay kulan ku yeesheen magaalada Addis Ababa.

Labada wasiirul khaaraji, ayaa yeeshay kulan ay kaga wada hadlayeen khilaafka labada wadan ka dhex oogan ee ka dhashay dhaamka Itoobiya oo ay dawladda Masar ka sastay. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP, wada hadalkaas ka dib waxa loo diyaariyay saxaafadii ay u warami lahaayeen, laakiin wakhtiyadii u dambeeyay ayaa la baajiyay shirkaas jaraa’id. Waxaanay taasi muujisay inaanay wax isfaham ah ka gaadhin wada hadalkaas. “Ma qiyaasi karo natiijada wada hadalka, waxase aanu ka filaynaa inay fahmi doonaan inaanu Dhaamka Itoobiya waxyeelayn doonin.” Sidaas waxa AFP u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Mr. Dina.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaan wax war ah ka soo saarin kulankaas iyo weliba safarka wasiirka arrimaha dibadda Masar oo Axadii gaadhay Addis Ababa. Socdaalka wasiirka ayay ujeedadiisu ahayd sidii loo qaboojin lahaa islamarkaana wada hadal loogu soo dabaali lahaa khilaafka ka dhex qarxay labada dal oo gaadhay in la isu mariyo hawada hanjabaado dagaal.