Dareenka Nin 20 Sano Ku Xidhnaa Jeelka Dhexe Ee Hargeysa Oo Shalay La Soo Daayey

0
500

Hargeysa (Geeska) – Maxamed Sinjaale oo ah Nin ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada, ayaa Shalay ka soo baxay Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa oo uu ku xidhnaa 20-kii Sanadood ee u dambeeyay.

Maxamed Sinjaale ayaa Xabsiga galay sannadkii 2001, ka dib markii uu xilligaa ku dhegaroobay Nin kale oo ka soo jeeday Qoomiyadda Oromada, falkaasi oo ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Ninkan ayaa waxa soo deyntiisa ka shaqeeyay Weriye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo Maamula Barbaamijka ‘Kaalmee kuwan’ oo uu inta ka shaqeeya Arrimaha khayriga ah.

Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo Warbaahinta la hadlay markii uu Xabsiga ka soo saaray Ninkan Itoobiyaanka ayaa sheegay in Ninkani ay Cafiyeen Eheladii Ninkii Oromada ahaa ee uu Hargeysa ku dilay, laakiin ay codsadeen lacag 7 kun oo dollar ah, lacagtaana uu bixiyey Mulkiillaha Astaan Tv Cabdimannaan Yuusuf oo isaga iyo Cabdimaalik ay mar wada ku xidhnaayeen Jeelka dhexe ee Hargeysa, halkaasi oo ah halka ay ku arkeen ninkan la soo daayey.

Maxamed Sinjaale oo isaguna dareenkiisa ka hadlay sheegay “Ilaahay baa Caafimaad I siiyey, 20 sanadood baan Xabsi ku jiray, meel alaale iyo meel aan u dhaqaaqo garan maayo..”ayuu yidhi, isagoo Ilmaynaya.

Geeska.net/Hargeisa Office