Haddii Ay Dunidu 100 Qof Ahaan Lahayd Sidan Ayaa Ay U Qaybsanaan Lahayd (Q:1aad

0
558

Washington (Geeska)- Urur ka shaqeeya tirokoobyada iyo sahaminta la xidhiidha qaab-dhismeedyada bulsho iyo weliba kala duwanaanshiyaha aadamaha oo laga eegayo dhinacyo badan ayaa soo saaray tiro koob ku salaysan xisaabta boqollayda oo uu ku eegayo sida ay dunidu ahana lahayd haddii ay tirada dadkeedu 100 yihiin.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka Internet ka ee 100 People, una soo turjumay afka hooyo si akhristayaashiisa uu ula wadaago ayaa waxa ay tirada dadka dunida ka soo qaadaysaa in ay boqol ruux yihiin, kadibna waa ay eegaysaa bal hadda boqolkaas qof sida ay u qaybsanaan lahaayeen. Haddii si kale loo dhigana waa tirokoob lagu qiyaasayo kala duwanaanshiyaha dhinac abuurka, nolosha iwm ee ka dex jira dadka tiradoodu ka badan tahay 7 Bilyan ee dunida maanta ku dhaqan. Waxa aanay qormadu ud hignayd sidan:

Haddii dunidu ay boqol qof ahaan lahayd:

Jinsiga:

– 50 waxa ay noqonayaan Dumar

– 50 ka kalana waa rag.

Da’da:

Wadarta guud ee dadka dunida ku dhaqan marka loo eego qaybsanaantooda dhinaca da’da waxa ay noqonaysaa:

– 26 waxa ay noqonayaan carruur ay da’doodu u dhaxayso 0 – 14

– 66 waxa ay noqonayaan dad ay da’doodu u dhaxayso 15 – 64

–   8 Siddeeda qof ee soo hadhayna waxa ay noqon ayaan dad da’doodu ka weyn tahay 65 sano.

Juqraafi ahaaL

Wadarta guud ee dadka dunidak u dhaqan oo imika kor u dhaafay 7 Bilyan ayaa tirokoobkani uu aaminsan yahay in marka la eego qaaradaha ay dunidu ka kooban tahay ay qaabkan ugu qaybsan yihiin:

– 60 Waxa ay noqonayaan reer Eeshiya (60% dadka dunidu waxa ay u dhasheen qaaradda Asia)

– 15 Waxa ay noqon lahaayeen reer Afrika (15% dadka dunidu waxa ay ku nool yihiin Afrika)

– 11 Waxa ay noqonayaan dad ku dhaqan Qaaradda Yurub (Boqolkiiba 11 dadka dunida ayaa ah ayaa ku nool Yurub)

–   9  Waxa ay noqonayaan dad u dhashay dalalka la isku yidhaahdo Laatiin Ameerika iyo Karibiyaanka . (Waxa ay ka dhigan tahay in boqolkiiba 9 dadka dunida ku nooli ay ka soo jeedaan Laatiin Ameerika iyo Caribbean)

–  5 Waxa ay noqonayaan dad u dhashay woqooyia Ameerika (boqolkiiba shan dadka dunida oo dhan ah) La soco…