Hal-Ku-Dhegyo Bulshooyin Kala Dhaqanno Ahi Ay Dumarka Ka Yidhaahdeen (Qaybta: 3aad)

0
630

– Xilliga haasaawaha, ninkua waxa uu habeen dhan ku saamalaylaa ka fikirka iyo in si uu ugu raaxaysto uu hadba dib u soo ceshado erey ay gabadhu ku tidhi, Laakiin marka ay guri galaan dhaqso ayaa uu u seexdaa isaga oo ka ordaya in ay erey tidhaahdo.

– Macno kuma jiro in aad gabadh weydiiso da’deeda, waayo lagama yaabo in ay run ka sheegto.

– Waxa laga yaabaa in ay gabadhu kaa dhaafto Dulmiga iyo qallafsanaabta, laakiin ha ka filin in ay kaa dhaafto dayacidda iyo in aad danayn weydo.

– Gabadha lagama abuurin Madaxa ninka, waayo waa ay ka sarraynaysaa. Lagama abuurin cagihiisa waayo waa ay ka hoosaynaysaa, oo waa uu xaiqrayaa. Laakiin waxaa laga laga abuuray boggiisa, garbihiisa hoostooda (feedhaha) si uu u daryeelo una xannaaneeyo. Waxa laga abuuray meel ku dhow wadnihiisa si uu u jeclaado.

– Ilmada haweenku waa duufaan uu ku qaraqmo nin kasta oo dabbaasha ku xariif ahi.

– Gabadhu waxa ay oydaa habeenka aqal galkeeda ninkuna inta ka dambaysa oo dhan.

– Ilmadu waa hubka ugu wayn ee gabadhu ay ninka ku weerarto.