Haddii Aad Tagto Magaalada Quwa Ee Hindiya Ha Isku Dhibin In Aad Lacag Caddaan Ah Suuqa Ula Baxdo, Waayo Ma’ Helaysid Cid Wax Kaaga Iibisa

0
588

1Delhi (Geeska Afrika)- Hadda kadib lacagta sidashadeedu wax qiimo ah kuma dhex yeelan doonto gobalka Qua ee dalka Hindiya oo dalxiiska caan ku ah. Kadib markii uu noqday gobablkii ugu horreeyey ee isticmaalka lacagta ka maarmay, kuna beddelay in talefanka gacanta lagu qaato ama kaadhadhka bangiyada la’ adeegsado.

Wargeyska Xoghayaha guud ee ee gobalka Taajish Kumar Sharifastaaf oo axaddii toddobaadkan la hadlay wargeyska Times of India ee dalkaas ka soo baxa ayaa sheegay in dhammaan mucaamalada maaliyadeed ee gobalkaas la isku dhaafsan doono talefanka gacanta, shardiga keliya ee ku xidhanina uu yahay in lacagta talefanka la isku dhaafsanayaa ay ku xidhan tahay akoon bangi oo ay taallo.

“Laga bilaabo 31 ka bishan, ayaa uu nidaamka isticmaalka lacagta caddaanka ah lagu joojinayaa ka dhaqan geli doonaa gobalka oo dhan” ayaa uu yidhi xoghayaha guud ee oo caddeeyey in xitaa adeegsiga suuqa ee yar lagu kala iibsan doono lacagta talefanka gacanta ku jirta ama la isku dhaafsan doono kaadhka bangiyada, “Xitaa kalluunka, hilibka iyo khudradda ayaa nidaamkan wax loogu iibsan doonaa” Waxa aanu caddeeyey in dhammaan meheradaha la dhigi doono mishiinka la mariyo kaadhka lacagta oo waqti kasta shaqaynaya si aanu u hakan wax kala iibsiga lacagta la isku siinayo kaadhka bangiga. “Waxa aan aaminsanahay in Ghua si tartiib-tartiib ah isugu beddeli doonto bulsho ka madhan lacag.

Bishan aynu ku jirno Siddeedeedii ayaa ay xukuumadda Hindiya ku dhawaaqday dhaqangelinta qorshe dib-u-habayneed, oo dhinaca maaliyadda ah, waxa aanay meesha ka saartay gebi ahaanba isticmaalka lacagta 500 iyo 100 Rubbi oo sarrif ahaan doolarka uga dhigma 7.5 Doolar iyo 15 Doolar, arrintan oo qayb ka ah qorshe ballaadhan oo ay xukuumaddu sheegtay in ay kula dagaalamayso lacagaha been-abuurka ah.