Sidee  Loogu Guulaystey In Caasimada Rwanda Ee Kigali  Noqoto Ta Afrika Ugu Nadaafada Iyo Wadooyin Fiican Cabdilaahi Axmed Caarshe

0
1307

1Dalka Rwanda waxa uu ka mid yahay wadamada Bariga Afrika, waxaa uu xuduud la leeyahay dhinaca galbeed wadanka Jamhuurida Dumuqraadiga ee Congo, Democratic Republic of Congo{DRC}, dhinaca bariga wuxuu xuduud la leeyahay wadanka Tanzania, dhinaca waqooyina wuxuu xuduud la leeyahay Dalka Uganda iyo dhinaca koonfureed oo uu xuduud la leeyahay wadanka Burundi.

Dadka dalkaas ku nool waxaa lagu qiyaasaa 11.61 million, iyada 52% ay yihiin haween sida lagu sheegay war bixintii ugu danbaysey ee uu sameeyey baanka aduunka{World Bank Data}, kor u kaca dhaqaale iyo is bedelo xoog leh oo dalkaas ka hirgalay waxay sabab u noqdeen taageerada buuxda ay siiso hay’ada lacagta aduunka, International Monetary Fund {IMF} iyo baanka aduunku. 

1994-kii waxaa dalkaas ka dhacay xasuuq ugu xumaa ee aduunka dhaca taariikhada inta la ogyahay, kaas loo geystey qoomiyada Tutsiga, iyada oo halkaas lagu diley 800,000 qof muddo kooban gudeheed. 

Ilaa 1994-kii dalkaas waxaa uu haystey nabadgelyo buuxda iyo horuumar dhaqaale, haweenka  ayaa ku badan aqal baarlamaanka, xasuuqii ka dib dalka waxaa hoggaaminayey madaxweyne Paul Kagame, oo lagu tilmaamo hoggaamiyaha afrika ugu wanaagsan, kaasoo dalkiisa gaadhsiiyey horuumar kana xoreeyey dalkiisa gaajo iyo maamul xumo.

Waxaa la tilmaama horuumarka dalka Rwanda in ay hirgeliyeen sided wasiir oo laba haween yihiin iyo madaxweyne Paul Kigame.

Mar saddexaad ayay madaxweynaha dalkaas bulshadiisu ka codsadeen in uu sii hoggaamiyo, isaga oo waqtigiisu ku egyahay 2017, balse sii joogi doona waqti kale oo dheeraad ah.

Sanadkii 2006 ayuu madaxweyna dala Rwanda Paul Kigame la kulmay madaxweynihii Somaliland ee waqtigaas Daahir Rayaale Kaahin, oo booqasho aqoonsi raadis ah ku marayey wadamada bariga Afrika. 

Dhaqaalaha Rwanda 

Dhaqaalaha dalka Rwanda waxaa uu ahaa mid maalinba maalinta ka danbaysa kor u sii kacaya, dhaqaalaha dalka Rwanda waxyaabaha kor u qaaday waxaa ka mid ah maamul wanaag, isla xisaabtan, musuqa oo la xadidey iyo qaabka casriga ah ee loo uruuriyi cashuurta dalka Rwanda.

Dowlada Rwanda waxay samaysay qorshayaal dhaqaale ee mudada fog {long vision} iyo staraatiijiyado ku dhisan wax soosaarka beeraha dalkaas, waxay samaysay dowlada Rwanda, barnaamij loogu yeedho horuumarinta dhaqalaaha iyo tirtirida gaajada, {Economic Development and Poverty Reduction Strategy} EDPRS.

Dadka dalka Rwanda qiyaas ahaan 9% ayaa ku nool nolol hoose inta kale waxay gaadheen nolol isku filaanshiiyo ah, waxayna ka gudbeen dhaqaale yaraan iyo saboolnimo waxayna ku nool yihiin nolol la isku halayn karo. 

Nadaafada Caasimada Kigali 

Caasimada Rwanda ee Kigali waxaa ku nolol dadka badan 1millon oo qof, mayor ka Kigali waa Mrs. Monique Mukaluriza, waana caasimada kugu nadaafada fiican caasimadaha Afrika marka la barbar dhigo, sidoo kale waa caasimad hesha biyo nadiif ah oo ku filan iyo wadooyin aad u fiican, waxayna sameeyeen shirkad qaabilsan naafada, taasoo maamusha, ururisa qashinka shirkan oo lagu magcaabo{Kigali Sanitation Waste Management Company}.

Dowlada hoose caasimada dalka Kigali waxay samaysay siyaasad cad oo loogu talo galay nadaafada, wadooyinka iyo biyaha, iyada oo dowlada hoose hirgelisay barnaamijka ay ku kaashanayso shirkado waayeyn kuwaas ay siisay qandaraasyo ku saabsan bilicda caasimada iyo horuumarinta wadooyinka.

Barnaamijkaas oo lagu guulasystey ayaa ah  in shirkadaha gaar loo leeyahay iyo dowlada hoose iskaashadaan, iyaga oo sameeyey Public Private partnership{PPP}, taas  ayaa ah siyaasada lagu horuumariyey wadooyinka iyo naafada caasimada Kigali.

Taasoo ka dhigtay caasimada ugu naafada fiican qaarada afrika, sidoo kale dowladu waxay samaysay mashruuc balaadhan oo ah qashin ururinta iyo biyo ballaadhinta dalka oo dhan, kaas oo lagu yeedho Water and Sanitation Corporation {WASAC}, mashruucaas oo ay ku kacday lacag lagu qiyaasay $75 million oo doolar, mashruucaas oo ka mid ah kuwa  lagu guulaystey. 

  Gunaanad 

Dalkeena Somaliland oo ah dalka soo koraya welina aan aduunka ka helin aqoonsi caalami ah iyo maalgashi doona, balse ah dal ay dadkiisa iyo dowladiisu isu tashadeen, waxaynu horuumarka wadanka Rwanda kaga dayan karnaa waxyaaba badan, gaar ahaana sida ay u shaqeeyaan dowladahooda hoose, sida ay wadooyinka u dhisteen iyo nidaamka ay u mareen maamul daadejinta. 

Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, Somaliland

Caarshe1985@gmail.com