AirSelfie: Qalab Sida Diyaaradda U Duulaya Oo Suurtogelinaya In Qofku Uu Sawir Iska Qaado

0
560

1Washington (Geeska Afrika)- AirSelfie waa qalab aad u yar oo sida diyaaradda u duulaya oo qofka isticmaalaya u suurtogelinaya in uu iska qaado sawir. Qalabkan oo dhumucdiisu aad u yar tahay oo si sahal ah jeebka iyo meel kasta loogu qaadan karo, miisaankeeduna 52 Giraam oo keliya yahay, waxaa ku rakiban kamarad 5 Megapixel ah, oo dadka adeegsanaya u suurtogalinaysa in ay sawirro dusha sare ah iska qaadaan.

Diyaaraddan yar waxaa laga maamulaya barnaamij u gaar ah oo ku jira talefanka casriga ah, kuwa ku shaqeeya nidaamka Android iyo kuwo IOS ku shaqeeya labadaba, waxa aanay awood u leedahay in ay qaaddo qaababka kala duwan ee sawirka, sida sawirka dunida maanta caanka ka ah ee loo yaqaann Selfie kaas oo ah sawirka uu isagu gacantiisa iskaga qaado, iyo sawirro muuqaal guud ah oo ay dusha sare ka qaaddo.

Qalabkani isaga ayaa sawirka nidaamintiisa ka masuul ah, tusaale ahaan marka uu u arko in ay munaasab ku tahay qaadista, kadibna waxa uu si toos ah uu gudbinayaa talefanka gacanta oo uu ku kaydinayo sawirkaas, oo lagu tilmaamay in uu aad uga tayo badan yahay sawirka uu qofku isagu iska qaado.

Qalabkan waxaa ku rakiban kaadhka xusuusta oo awooddiisu 4GB tahay, waxa aanu ku shaqaynayaa baytari 240 Mili-ampere kaas oo diyaaraddan ee sawir-qaadda ah u suurtogelinaya in ay shaqayn karto muddo hal saac oo dhammaystiran ah, ka hor inta aanay mar labaad u baahan in la dabeeyo iyada oo la isticmaalayo xadhig u gaar ah oo dabka toos loo gelinayo ama xadhiga kombiyuutarka ku xidhma ee Micro USB.

Diyaaraddan sawirrada Selfie qaadaysa ee AirSelfie hadda iyada oo weli heer mashruuc maraysa ayaa ay ku jirtaa shabakadda Kick Star si maalgelin bulsho loogu helo, waxa se’ la ogol yahay in dadka isticmaalayaa ay soo dalban karaan iyada oo xabaddii laga siinayo lacag u dhiganta 190 Doolar. Mashruucan oo muddo yar gudaheed ku ururiyey maalgelin lagu qiyaasay 160 kun oo doolar ayaa la qorsheeyey in ol’olaha ururita maalgelintiisa la soo gebagabeeyo 24ka bisha bishan maanta bilatay ee Diisambar, bisha saddexaad ee 2017ka ayaanay macaamiishu si rasmi ah suuqyada uga iibsan kari doonaan.