Haddii Aad Rabto Inay Gabadhu Si Hawlkarnimo Leh U Shaqayso Madax Ka Dhig

0
789

Hargeysa (Geeska)- Cilmi baadhis casriya ayaa daahfurtay in dumarka haddii loo doorto maamul ama madax looga dhigo shaqo socota ay dadaal xad dhaaf ah u galaan sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen shaqadooda gaar ahaan inta ay masuulka ka yihiin. Waxa ay daraasaddani tilmaamtay in dumarku marka ay dareemaan in shaqadoodii laga siiyey masuuliyado waaweyn ama looga madax dhigay ay xil badan isa saaraan lana arko iyaga oo cid walba uga soo horreynaya si joogto ahna u ilaalinaya.

Sida ay ku warrantay Wakaaladda wararka ee dalka Australia, Professor Rayne Adams iyo Dr. Denial Fryer oo ka tirsan jaamacadda Queensland ee ganacsiga oo ku taalla gobolka Queens isla markaana ka mid ahaa khubarada samaysay daraasaddan ayaa ka warramay natiijada ay ka gaadheen daraasaddan oo siday sheegeen loo cuskaday macluumaad muhiim ah oo ay ka heleen xarumaha cilmi baadhista iyo daraasaadka arrimaha bulshada. Waxa ay labadan khabiir wakaaladda IIP u sheegeen in ay si gaar ah u daraaseeyeen natiijooyin ka soo baxay baadhitaanno cilmi ah oo ay hore u samaysay xarun lagu magacaabo Investor Responsibilities oo ku taalla dalka Maraykanka si ay u helaan doorka ay gabadhu ka qaadan garto hawlaha shaqo guud ahaan. Baadhitaankan waxa ka soo baxay in dumarka loo doorto maamulayaasha shaqada ay ku dadaalaan horumarinta shirkadda ay u shaqeeyaan, si fiicanna uga shaqeeyaan ilaalinta danaha shirkadda iyo saamileyda-ba. Waxa ay daraasaddu sheegtay in mar walba gabadha mansabka noocan ah loo dhiibaa ka shaqo iyo dadaal badan tahay ninka. Daraasaddani waxa ay sheegtay in gabadhu marka ay mansabkan oo kale gaadho ay hesho ku dhac ka badan ninka oo ay ku qaadan karto go'aamo adag. Professor Adams oo ka hadlaya daraasaddan ayaa yidhi, "Dumarkani waxa ay ragga kaga wanaagsan yihiin ka qayb galka shirarka" Adams waxa uu intaas ku daray, "Arrintan sababteedu waa in dumarku marka ay madax noqdaan ay u macaamilaan si wax-ku-ool ah oo aan kaftan gelin, isla markaana maskaxdooda u diyaariyaan qaadashada go'aamo adag"

Dalka Norwey ayaa dhowaan soo saaray go'aan ku qasbaya shirkadaha ganacsigu inay tirada masuuliyiintooda xilalka haysa boqolkiiba 40 ka mid ah ka dhigaan dumar. Dalka Spain ayaa isna lagu wadaa in uu go'aankan oo kale fuliyo laga bilaabo sanadka 2025ka.