Ciidanka Qaranka Oo Shalay Casarkii Baacsaday Kooxda Khaatumo Oo Weerartay Ciidan Beeleed Somaliland Taageersan Iyo Cali Khaliif Oo Mar Kale Dirqi Ku Fakaday

0
627

qarankaHargeysa(Geeska)-Ciidanka qaranka Somaliland ayaa khasaare soo gaadhsiiyay kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo, ka dib markii ay maleeshiyaadkani shalay casarkii weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidan beeleed ka tirsan ciidanka qaranka oo ka soo jeeda gobalka Sool, kuwaas oo wakhtigaas ku sugnaa deegaanka Saaxdheer ee u dhexeeya Buhodle iyo Lascanod. Maleeshiyaadka khaatumo waxa weheliyay Cai Khaliif Galaydh oo fakad ku jiray.

Ma jiro war rasmi ah oo ay wasaaradda gaashaandhigu ka soo saartay dagaalkan, laakiin sida ay wararku sheegeen maleeshiyaadka Khaatumo ayaa waxa ay ciidan Beeleedka ka dhaceen laba baabuur, oo rakaab ah, laakiin ciidanka qaranka oo markiiba u gurmaday ayaa kooxda Khaatumo ka soo reebay labadaas baabuur, waxaanay dagaal adag ka dib sidoo kale ka qabteen saddex baabuur oo kale oo isugu jira gaadhi tikniko ah, gaadhi Landcruiser ah iyo gaadhi ah nooca loo yaqaano shaamboo xayraanka. Sidoo kale waxa ay ka qabteen tiro maxaabiis ah iyo qaar dhaawac ah oo ay ka carareen.

Kooxda ayaa markii ay ciidanka qaranku baacsadeen, waxa ay u yaaceen dhinaca kaymaha. Ciidanka qaranka waxa la sheegay inay  ka dhaawacmeen saddex askari oo laba ay tahay ciidan beeleedka la weeraray .

Ciidanka qaranka ayaa inkastoo ay khasaare gaadhsiyeen kooxda khaatumo, haddana waxa dirqi kaga baxsaday Cali Khaliif Galaydh oo kooxdan la socday, isagoo  ka soo baxday magaalada Taleex oo uu laba habeen ka hor ka baxay.

Ciidanka qaranka ayaa khamiistii la wareegay gacan ku haynta magaalada taariikhiga ah ee Taleex oo ay ku shirayeen taageerayaal ka tirsan kooxda Khaatumo iyadoo uu shirka ka qayb galay Cali Khaliif Galaydh oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya kana soo horjeeda qaddiyadda madaxbanaanida Somalialnd.

Taliyaha guud ee ciidammada qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqalle, ayaa BBCda u sheegay in gelitaanka Taleex yahay hawlgal caadi ah oo lagu sugaayo nabadgelyada xuduudaha Somaliland.