Haddii Aad Daal Jidheed Iyo Mid Maskaxda Ah Joogto U Dareento 14-Kan Sababood Midkood Ayaa Ku Haya (1)

0
578

Hargeysa (Geeska)- Hurdo la’aanta oo keliya ma’aha sababaha keena tamar la’aantu, balse waxaa jira wax yaabo yaryar oo badan oo aynu samayno, kuwaas oo jidh ahaan iyo maskax ahaanba daal iyo burbur badan innagu keena, haddaba qormadeenan waxa aynu ku soo qaadanaynaa dhowr ka mid ah caadooyinka ay khubaradu sheegeen in aanay fiicnayn oo ay keenaan daal iyo burbur, waxa aanay yihiin:

– Qofka oo aan biyo ku filan cabin: waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in hoos u dhac yar oo ku yimaadda biyaha jidhku xataa haddii uu yahay boqolkiiba 2 keliya uu keeno burbur badan, waxa aanay sababtaa in wadnuhu uu garaaca yareeyo, iyo xawaaraha ay neefta oxygen ku gaadhayso muruqyada iyo unugyada kala duwan oo yaraada.

– Xadiidka (Iron) oo dhiigga ku yaraata: Haddii maadadda xadiidka ee dhiiggu hoos u dhacdo qofku waxa uu arkaa daal iyo burbur badan, waayo waxaa hoos u dhaca xaddiga neefta oxygen ee muruqyada iyo unugyada gaadhaysa. Waxaana muhiim ah in qofku ogaado in maadadda xadiidka (Iron) oo hoos u dhacdaa ay sababi karto xanuun badan, sidaa awgeed ay qasab tahay in uu dhaqso dhakhtar ugu tago.

– Qofka oo isku kallifa hawl aanu mar wada awoodi karin: Qofka oo doona in wax kastaa ay sidooda u dhammaadaan waxa ay kalliftaa in uu xoog u shaqeeyo, waqti ka badan inta ay naftu awooddana ku kallifo, sidaa awgeed qofku waa in uu is waafajiyo awooddiisa runta ah iyo xaddiga hawleed ee uu mar kasta qoondeeyo in uu qabto. Baadhitaanno cilmiya ayaa xaqiijiyey in waqti dheeraad ah oo la shaqeeyaa aanay waxba ku tarayn shaqada laga rabo in uu qofku guto, sidaa awgeed waxaa fiican in shaqada loo qaybiyo qaybo ku salaysan waqtiga caadiga ah ee uu qofku shaqayn karo, haddii kale qofkana waxa ay ku keentaa daal iyo burbur aan dhammaan, shaqadana wax badan oo muuqda kuga kordhiso. La soco…