Aadamuhu Noloshii Waxa Uu Soo Mara 10 Nooc Oo Ah Jacayl Mid Kastaa Da’ Kula Soo Bilowdo (Q:3aad)

0
1127

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Saddexaad ee taxanihii aynu kaga waramaynay qaybaha jacaylka, oo aynu ka soo dheeganno buugga "Sida aad ku heli karto waxa aad rabto una jeclaan karto waxa aad hayso" oo uu qoray dhakhtar ku takhsusay cilmi nafsiga oo magaciisa la yidhaahdo, John Jury.

7. Jacaylka aan xadka lahayn: Jacaylkani waxa uu yimaaddaa marka uu qofku gaadho da'da dhalmada, waxa bilowga hore uu isku arkaa kalgacal iyo jacayl uu u hayo in uu aabbo ama hooyo noqdo, waxa ku kordha jacaylka uu u hayo carruurta, marka uu carruur dhalo ayaanu dhab u bilowdaa jacaylkan oo ah jacayl dhab ahaan aan xad lahayn sinaba aanay u suuro gelin in uu maydhmo, waxa uu qofku jeclaanayaa in uu masuul ka noqdo cid. Waa sababta ay khubarada cilmi nafsigu ugula taliyaan qofka da'diisu tahay 35 jir illaa 42 jir haddii uu ubad dhali waayo in uu yeesho xayawaan rabbaayad ah ama ilmo aanu dhalin balse uu korsanayo si uu u mashquuliyo jacaylkiisa aan xadka lahayn ee u baahan ubadka.

8. Jacaylka deeqsinimada: laga bilaabo marka uu qofku gaadho da'da 42 jirka illaa 49 jirka waxa ku beerma jacayl cusub oo uu doonayo in uu mar walba wax bixiyo ama wax muuqda ku soo kordhiyo bulshadiisa, waxa uu jeclaadaa in uu ka qayb qaato dhaq-dhaqaaqyada iyo hawlaha bulsho ee ka socda dalkiisa iyo deegaankiisa.

9.Jacaylka hanweynida: Marka da'da qofku ay gaadho inta u dhaxaysa 49 sano illaa 56 waxa ku bilowda nooc cusub oo jacayl, waxa gala hammi weyn iyo hiigsi fog, waxa uu xiiseeyaa in uu ka qayb qaato ama si uun lug ugu yeesho hawlaha waaweyn ee dunida ka socda oo ay ka mid tahay xallinta mashaakilka caalamiga ah, waxa uu isku dayaa in uu aragtidiisa socodsiiyo, waa suurogal in uu wax badan ka qaabto laakiin mar walba waxa uu doonayo ayaa ka sii weyn.

10.Jacaylka Cibaadada: Marka uu qofku gaadho da'da 56 jirka waxa ku beerma nooc kale oo jacayl, waxa saaqa kalgacal uu u qabo cibaadada iyo xidhiidhka Alle. Waxa uu jeclaadaa in uu ka qayb qaato hawlaha diinta iyo khidmadaha masaajidda. Dhammaaad