Sixiroole: Marka Uu Booliisku Doono In Uu Qabto Waxa Uu Iska Dhigi Jiray Bisad Laakiin Qur’aankaa Fashiliyey

0
998

Riyaad (Geeska)- Masuuliyiinta dalka Sucuudiga ayaa gacanta ku dhigay sixiroolihii ugu khatarsanaa ee abid soo mara dalka Sucuudiga. Ninkan sixiroolaha ah oo ay dhibaato ka soo gaadhay dad badan ayaa la sheegay in ficillada uu caanka ku ahaa ay ka mid ahayd in in uu qofka ka qaado Laba boqol oo kun oo Riyaal kadibna uu dib u siiyo 5 Milyan oo Riyaal sucuudi ah isaga oo sheeganaya in lacagtan uu ka soo saaro xisaabta dawladda iyada oo aanu wax dhib ah gaadhsiin tujaarta iyo fuqarada midna.

Sixiroolahani waxa uu sidoo kale ku shaqaysan jiray jiray in uu yahay nin laga soo diray xagga Alle isla markaana uu ku lammaan yahay boqor jin ah oo ka caawiya xallinta mashaakilaadka dadku ka cabanayo, gaar ahaan dadka ku nool nolosha murugada leh ee faqirga iyo xanuunku ka mid yahay ama kuwa ladnaan jiray ee waqtigu ku xumaaday. Degelka al-Malaf oo uuu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xiganayo warkan ayaa sheegaya in sixiroolahani uu yahay inta la’ og yahay ka ugu xoog badnaa ee soo maraSucuudiga waxaanu caan ku ahaa sixirka maal soo jiidashada isaga oo ilbidhiqsiyo gudahood qofka kaga dhigi jiray maalqabeen, waxa kale oo uu takhasus ku ahaa kala ibtilaynta lammaanaha is qaba iyo isku soo jiidista kuwa doonaya ooo ah sixirka loo yaqaanno Madiidada.

Waxa uu sixiroolahani sheegan jiray in uu xidhiidh adag la leeyahay boqorka jinka iyo in uu boqorka jinku jecel yahay sidaa awgeedna aanu ka diidin waxa uu ka dalbado, Sida ay wararku sheegayaan ninkan sixiroolaha ahi waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa dalka Niger ee galbeedka Afrika. Marar badan oo hore ayaa booliiska iyo hay'adda wanaag farista iyo xumaan reebista dalka Sucuudigu isku dayeen inay qabtaan ninkan, laakiin markii ay isku dayaan inay qabtaan ayuu hal mar indhahooda ka qarsoomi jiray wax raad ahna aan laga arki jirin. waxa mar dhacday in inta ay booliisku arkeen ninkan isku dayeen inay qabtaan laakiin mar keliya ayuu ku dhawaaqay ereyo loo fahmay magacyo jin uu u qayshanayo, kadib iyada oo indhaha lagu hayo ayuu isku beddelay bisad, inta uu bilayskii ka dhex booday isaga oo bisada ayuu wax yar kadibna  qarsoomay. Qaabka loo qabtay musixirkan ayaa ahaa in loo diray dad bassaasiin ah oo u sheegay inay lacag badan ku khasaareen suuqa saamiyada sidaa awgeedna ay ka doonayaan in uu ka caawiyo sidii ay uga soo kaban lahaayeen, sixiroolihii wuu aqbalay waxa aanu u sheegay in nin kastaa uu soo bixiyo 200 oo kun oo Riyaal, waxa uu ka dalbaday inay u diyaariyaan meel aamin ah oo ay lacagta lagu kabayo ku guddoomaan, markii goobta kulanka la diyaariyey sixiroolihiina fadhiistay qolkii loogu talo galay waxa yimi koox bilays ah oo dhammaantood akhristay qur'aan, sidoo kale Sheekh ay wateen ayaa qur'aan ku akhriyey dhammaan dhinacyada guriga, kadib bilayskii ayaa galay qolkii markii uu sixiroolihii arkay waxa uu akhriyey wixii lagu yaqaannay waxa uu u yeedhay magayadii jinka iyo boqorkii jinka ee uu sheegi jiray laakin waxba uma tarin si sahlan ayaanay bilayskii u qabteen.