Habka Ugu Habboon Ee Ay Tahay In Loola Macaamilo Ilmaha Hag-Hagada Leh (Hadalka Qab-Qabta)

0
758

Picture8Berlin (Geeska)- Jimciyad ay leeyihiin dhakhaatiirta ku xeel-dheer daweynta hag-hagada ee dalka Jarmalka ayaa waalidkiinta ubadkoodu hag-hagada leeyihiin (Hadalka qab-qabtaan) uga digtay in ilmaha ay siiyaan talooyin iyo tilmaamo ay doonayaan in ay ka caawiyaan in uu ka gudbo hag-hagada. Ururkani waxa uu sheegay in ay jiraan waalidiinta qaar isku daya. in ubadkooda hag-hagada leh ay ka jaraan hag-hagadaas iyaga oo maraya hab ay u arkaan in uu yahay tababar ilmaha lagu barayo hadalka, tusaale ahaan waxa ay ku odhanayaan, “Inta aanad marka hore hadlin ka fikir hadalka aad doonayso in aad tidhaahdo, kadib hadalkii oo maskaxda ku sii diyaarsan bilow… halka la arkay kuwo kale oo iyaguna kula taliya ilmaha in inta aanu hadalka bilaabin uu marka hore si dheer u neefsado (Neef dheer inta uu qaato uu haddana soo celiy). Talooyinkan iyo kuwa la midka ah ayaa ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay ilmaha ku beerayaan diiqad iyo cidhiidhi ka qabsada in mar kasta oo uu hadal doono inuu ka fikiro ama xusuusto taladii waalidku siiyey kadib maskaxdu ku mashquusho, taasina waxa ay sii kordhisaaba mushkiladdii hag-haga.

Ururku waxa uu waalidka kula talinayaa in taas beddelkeeda ay fiican tahay in marka uu ilmuhu sheekaynayo ay si deggen oo uu qaddarin ka dareemayo u dhegeystaan, iyaga oo aan isku mashquulinayn in uu saxo ama dhamaystiro ereyada uu leeyahay. Ilmuhu waa in sheekada laabtiisa ku jirta ee uu doonayo in uu sheego oo dhan uu sheegaa, xataa haddii ereyada qaar uu dhaafo isaga oo aan dhamaystirin ama mararka qaarkood ay cabbaar ku qaadato in uu ereyada soo wada saaro, sidoo kale waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay muhiim tahay in waalidku uu ilmihiisa hag-hagada leh kala sheekaysto lana lafa-guro mushkiladdan (Hadal qab-qabashadan), isaga oo waalidku ku dadaalaya in ilmaha uu u tuso in xaaladdani ay tahay mid iska caadiya oo dad badan yaraantooda ku dhacda aakhirkana ay u badan tahay in laga bogsado, taasi waxa ay ilmaha ku beeraysaa kalsooni iyo in aanu isu arag in uu dadka ka duwan yahay, waxa aanay ka saaraysaa khajilaadda ubadkan oo kale ku dhacda ee laga yaabo in ay mushkiladda kuba sii badiso.

Ururkani waxa uu ku taliyey in waalidku ay ilmahan oo kale ku yidhaahdaan ereyo u muujinaya in kelmadda uu qaldo ama odhan kari waayaa ay tahay mid dadka badankoodaba ku adag, tusaale ahaan ereyga uu qaldo ama cabbaar ku hakado inta uu waalidku qabto in uu isaguna markiisa yidhaahdo, Isaga oo ilmaha u sheegaya in ereygaas ama tibaaxdaas ku dhawaaqeedu uu adag yahay, tusaale ahan ku odhanaya, “Miyaanu ereygaasi adkayn? Ereygaas ku dhawaaqistiisu carrabka waa ku dhib? Taasi waxa ay keenaysaa in ilmuhu isu arko in ay tahay mushkilad dadkuba la qabaan, sidaa awgeed si kalsooni ah ayaa uu hadalkiisa isaga sii wadanayaa. Mar kasta oo uu hadalkiisaasi sii batana waxaa u fududaanaya ku dhawaaqista ereyada waxaana yaraanaya ama tegaya hag-hagada.

Ugu dambayntii waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in aanay qasab ahayn in ilmo kasta oo hag-hago lihi uu dhakhtar u baahan yahay, waayo waxaa in badan dhacda in hag-hagadu ay muddo kadib ilmaha ka tagto. Laakiin haddana taas macnaheedu ma’aha in waalidku marka uu ilmihiisa hag-hago ku arko iska sugo inta uu bogsanayo, balse waa in uu markaba la tashado dhakhtar nafsi ah ama dhakhtar ku xeel-dheer hadalka.