Madaxweyne Siilaanyo Iyo Salaadiinta Beelaha Habaryoonis Oo Madaxtooyada Ku Yeeshay Kulan Iyo Nuxurka Qodobada Ay Kaga Wada Hadleen

0
679

Picture7Hargeysa(Geeska)-Waxa habeen hore qasriga madaxtooyada kulan muhiim ah ku yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo salaadiinta Beelaha Habaryoonis, waxaanay kaga wada hadleen xaaladda wadanku marayo.

Kulankaas oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen, waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen xaaladda cakiran ee ka dhalatay isku daygii la doonayay in xilka lagaga qaado guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo xukuumadda iyo madaxtooyada lagu eedeeyay inay dabada ka riixayeen.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, waxa ay salaadiintu Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen in xaaladda ka dhalatay mooshinkaas la dejiyo, iyagoo ka codsaday inuu ka hawlgalo sidii loo dejin lahaa xiisadaha ka dhashay  mooshinka oo ay guurtidu maanta go’aan ka soo saarayso, waxaanay sheegeen inay iyaguna dejin doonaan taageerayaasha Cabdiraxmaan Cirro ee ka gilgishay mooshinkan oo ay madaxda xisbiga Waddani ku eedeeyeen madaxtooyada.  Waxa kale oo ay salaadiintu Madaxweyne Siilaanyo xasuusiyeen sidii uu guddoomiye Cirro u soo garab istaagay wakhtigii uu mucaaradka ahaa ee uu halganka ugu jiray hoggaamiyaha qaranka Somaliland. Salaadiinta oo ay tiradoodu ahayd toddoba suldaan, ayaa waxa kale oo ay Madaxweyne Siilaanyo u sheegeen inay kulan la soo yeesheen guddoomiye Cirro oo ay aad ula soo hadleen, kulana soo balameen in xaaladda la dejiyo. Waxaanay sheegeen in Beelaha ay ka soo jeedaan ay afartii sanno ee uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay aanay kala horiman mucaaradad, taasina ay ka turjumayso sida ay u xaq dhawrayeen.

Labada wasiir ee madaxtooyada iyo duulista Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamuud Xaashi Cabdi, oo iyaguna halkaas hadalo kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan tallooyinka ay salaadiintu soo jeediyeen iyo in la isu soo dhawaado.

Ugu dambayn, sida ay xoguhu sheegeen, Madaxweyne Siilaanyo oo kulankaas hadal kooban ka jeediyay, ayaa la sheegay inuu Salaadiinta uga mahadceliyay kulanka ay ugu yimaadeen iyo sida ay isugu xilsaareen inay ka shaqeeyaan dejinta xaaladda. Waxaanu sheegay in mar haddii uu isagu yahay Madaxweynaha qaranka aanu marna raali ka ahayn qalalaase iyo xiisado siyaasadeed oo wadanka ka oogma, isagoo hogo tusaaleeyay in xaalado badan oo siyaasadeed si fudud loo abuuri karo haddii aan markaba la dejin. Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo salaadiinta u sheegay inaanu marnaba ku tashan inuu dadka iyo dalka xumaan kaga tago mudada uu xilka hayo isagoo dhaar ku maray inuu umadda dhex u yahay oo uu si cadaalad ah ugu xaqsooro, waxaanu sheegay inaanay jirin cid uu gaar u fogaynayo siyaasad ahaan iyo maamul ahaanba. Madaxweyne Siilaanyo waxa la sheegay inuu salaadiinta uga mahadceliyay kulanka ay Cirro la soo yeesheen iyo sida ay isugu xil saareen in la isu soo dhaweeyo shacabka ay siyaasadu aadka u kala fogaysay.

Ugu dambayn waxa kulankaas la iskula gartay in marka ay guurtidu go’aanka soo saarto la bilaabo wejiyo kale oo la isugu soo dhawaanayo si loo soo celiyo kalsoonidii.

Salaadiinta kulanka ka qayb gashay ee Beelaha habaryoonis ayaa kala ahaa

1. Suldaan Maxamed  Suldaan Xirsi Qani ,

2. Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar

3. Suldaan Saleban Boqor Cismaan Xasan

4. Suldaan Cali Cumar

5. Suldaan Yuusuf Xiirey

6. Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good

7. Ugaas Xuseen geele Abokor