Hababka Yaabka Leh ee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Isaga Ilaaliyo Coronavirus

0
643

Si madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin looga ilaaliyo in uu ku dhaco Fayraska Corona, masuuliyiinta Ruushku waxa ay go’aamiyeen in la dhiso godad dhulka hoostiisa ah oo ay ku rakiban yihiin qalab jeermiska boqolkiiba boqol dilaya, kuwaas oo qof kasta oo madaxweynaha la kulmayaa uu ku qasban yahay in uu sii maro.

Sida ay marar badan warbaahintu ku warrantay, tan iyo markii uu adduunka sida ba’an ugu faafay Coronavirus madaweyne Putin waxa uu waqtigiisa ugu badan ku shaqaynayey gurigiisa gaarka ah oo ku yaalla duleedka magaalada caasimadda ah ee Moosko.

Waxaana la dhaqan geliyey nidaamkan cusub ee la marinayo qof kasta oo doonaya in uu la kulmo. Afhayeenka madaxtooyada Ruushka Dmitry Peskov oo warbaahintu wax ka weydiisay nidaamkan cusub ee madaxweyne Putin lagaga ilaalinayo Coronavirus ka ayaa xaqiijiyey jiritaanka qolkan qalabaysan ee dhulka hoostiisa loogu diyaariyey qof kasta oo booqanaya madaxweynaha, si loo dilo haddiiba uu jiro wax jeermis ama Fayras ah oo oogadiisa ku jira, isla markaana loo hubiyo in aanu sidin Fayraskan. Dmtiry waxa uu sheegay in qalabkani aanu ku rakibnay guriga gaarka ah ee madaxweynaha oo keliya, balse sida oo kale uu ku rakiban yahay aqalka looga taliyo dalka Ruushka ee Kremlin ka loo yaqaanno, “Qalabkan nadiifintu waxa uu sida oo kale ku rakiban yahay Kremlin ka, xitaa waxaaba jira laba qalab oo ku rakiban” ayaa uu yidhi. Isaga oo intaas ku daray in qalabkan la rakibay xilligii uu faafitaanka Coronavirus ku halka ugu sarraysa ka marayey dalka Ruushka, illaa haddana uu qalabkaasi rakiban yahay isla markaana la mariyo cid kasta oo doonaysa in ay booqato madaxweynaha.

Qalabkan waxaa samaysay shirkadda ‘Motor Technologies’ oo ah shirkad soo saarta qalabka is-wada ee nadiifinta gaadiidka. Iyada oo mishiinka ku rakiban aqalka uu deggenyahay Putin awood gaar ah u leeyahay in uu cabbiro heerka xumadda qofka, isla markaana uu awood u leeyahay in uu aqoonsado wejiga qofka.

Hore ayaa ay madaxtooyada Ruushku u sheegtay in madaxweyne Putin si joogto ah loogu sameeyo shaybaadh caafimaad oo lagaga baadhayo Fayraska Corona, sida oo kale dadka soo booqanaya ayaa lagu sameeyaa shaybaadhkaas.

Coronavirus ayaa hore ugu dhacay masuuliyiin badan oo Ruush ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen afhayeenka aqalka Kremlin ka Dmtiry Peskov qudhiisa, raysalwasaaraha dalka, iyo tiro ka mid ah wasiirrada iyo xildhibaannada baarlamaanka ee dalka.

Bishii Maarso ee aynu so odhaafnay ayaa la arkay madaxweyne Putin oo isaga oo aan maskaaro xidhnayn, sida oo kalana gacmaha daboolin salaamaya madaxa dhakhaatiirta mid ka mid ah cisbitaallada waaweyn ee Ruushku ku daweeyo Fayraska Coronavirus, muddo gaaban kaddib gacanqaadkaasna waxa uu dhakhtarkani ku dhawaaqay in laga helay Fayraska Corona. Inkasta oo ay arrintaas abuurtay warwar iyo hadal hayn la xidhiidha caafimaadka madaxweynaha waxaa mar dambe caddaatay in Putin uu ka badqabo Fayraska.

Dad tiradoodu in yar ka yartahay 600 oo kun ayaa dalka Ruushka laga helay Fayraskan oo ay illaa Salaasadii 23-ka Juun ay u dhinteen 8 kun 3 boqol iyo 59 qof.