“Xanuunkii Covid_19 Weli Wuu Joogaa Ee Qof Walba Caafimaadkiisa Ha Ilaaliyo..”

0
481

Hargeysa (Geeska) – Dr. Cumar Shucayb Maxamed oo Xukuumaddii hore ee Axmed-Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Ganacsiga, kana mid ah Dhakhaatiirta dalka, ayaa ka hadlay xayiraadda ay qaadeen Guddida ka hor taga xanuun ka Koronuhu,wuxuu tilmamaay inay arrintani timid markii ay meesha ka baxday cabsidii laga qabay Xanuunka Covid_19, balse uu dalka weli xanuunku joogo, sidaasi darteedna loo baahan yahay in taxaderkiisa la sii wado.

Dr. Cumar Shucayb Maxamed, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Xanuunkani inkasta oo uu yahay xanuun khatar badan, oo dad badani u dhinteen, haddana inaga ILLAAHAY wuu inoo sahlay, dabcan Guddida ka hor taga xanuunkan Covid 19, waxay ku dhawaaqeen in bishan dhammaadkeeda la qaadayo wixii xayiraado ah, kolay cabsidii meesha way ka baxday, laakiin xanuunka Covid 19 weli wuu jooga, ee taxadir iyo feejignaan dadku ha muujiyaan, qof walba iskii ha u ilaaliyo caafimaadkiisa, caafimadka qoyskiisa iyo waliba caafimaadka bulshada iyo caafimaadka deegaankaba oo dadku ha qaatan wacyigelinta ay Wasaaradda Caafimaadu waddo, oo aad ha iskaga ilaaliyo xaalad kasta iyo dariiq kasta oo uu xanuunkani ku fidi karo, maxaa yeelay ka hor tagista ayaa ka wanaagsan daawaynta, dadkeenii u dhintayna ALLE janadii ka waraabiyo, dadkeena uu hayana caafimaad ALLE ha siiyo”.