Waa Maxay Sababta Ay Dadka Qaar U Seexdaan Isla Marka Ay Bunka Cabbaan, Kuwo Kalana Hurdo U Waayaan (Q.1)

0
632

Mar kasta oo aynu bun cabbayno waxa aynu niyadda ku haynaa in uu firfircooni inoo horseedo, waana sababta dad badani balwad uga dhigteen in ay cabbaan marka ay subaxdii hurdada ka toosaan. Laakiin waxaa dhici karta in mararka qaarkood natiijada aynu ka filaynay mid ka duwani ka soo baxdo. Bunka oo aynu cabnay in aynu isku aragno hamaansi ama hurdo dareenno. Arrintan sababteeda ayaa ay khubaradu sheegeen in ay inta badan ku timaaddo sababta bunka aynu cabbayno oo liidata. Waxa se jira marar aanay arrintu ku xidhnayn bunka tatyadiisa.

Warbixin  lagu daabacay shabakadda wararka ee ‘Lisa’ oo dalka Ruushka laga leeyahay ayaa Maria Sidova ay ku sheegtay in ay jiraan sababo door ah oo keena in qofku isaga oo bun cabbay uu haddana hurdo dareemo. Waxaa ka mid ah:

Xaddi badan oo Caffeine ah:

Bun badan oo uu qofku cabbaa waxa ay keeni kartaa in qofku uu hurdo dareemo, sababtuna waa jidhka oo marka uu dareemo in Caffeine dheeraad ahi gashay, soo daaya maaddooyin uu doonayo in uu ku yareeyo firfircoonida xad dhaafka ah ee ka dhalanaysa si aanay isu dheellitirnaantu u lumen. Maskaxda oo ka jawaabaysa Caffeine ta dheeraadka ah ayaa markaba bilowda in ay yarayso firfircoonida, sidaas ayaanay hurdo ku timaaddo.

Xaaladahan oo kale waxa ay khubaradu ku talinayaan in qofku uu muddo yara joojiyo cabbista bunka, si uu jidhku dib ugu soo ceshado isu dheellitirnaantii maadadda ‘Adenosine’ ee firfircoonida keenaysa. Waxa aanay hoosta ka xariiqeen in ay arrintaasi ay dabiici ahaan laba maalmood qaadanayso. Khubaradu waxa ay ku talinayaan in in qofku uu ka taxaddiro xaddiga bunka uu cabbayo, iyo in labada jeer ee uu bun cabbayo ay u dhexeyso ugu yaraan shan saacadood.

Marka laga tago in bunka badani uu keeno hurdo iyo caajis, waxa kale oo uu keenaa garaaca wadnaha oo kordha, dhiigga oo kaca, gacmaha oo gariir yar laga dareemo iyo madax xanuun dhinac ah (Dhanjaf). Raadadka kale ee taban ee uu bunka badani keenana waxaa ka mid ah kaadida oo badata.

Beerka

Shaqooyinka tirada badan ee uu beerku qabto oo ah nadiifinta iyo shaandhaynta waxaa ka mid ah in uu dhiigga ka reebo maadadda Caffeine si aanay u gaadhin xubnaha kale ee jidhka oo maskaxdu ka mid tahay. Laakiin haddii ay cilladi ku jirto caafimaadka beerka, ama bun badan la cabbo oo Caffeine ay ku badato waxaa ku adkaata nadiifinta uu samayn lahaa. Taas oo marka uu beerku dhiigga ka reebi kari waayo Caffeine ta, ay dhacayso in maskaxda uu gaadho dhiig ay maadaddani ku badan tahay, waxa aanay keenaysaa in maskaxda uu ku yeesho raadka ah in hurdo uu sababo.

Khalkhal Hormoon

Qofka oo marka uu bunka cabbo darema hurdo waxa ay sababteedu noqon kartaa cillad dhinaca hormoonnada ah oo qofku uu qabo. Bunku waxa uu sidiisaba firfircooneeyaa shaqada qanjidhka loo yaqaanno ‘Qanjidh-Kelyoodka’ oo soo daaya hormoonka firfircoonida ee ‘Adrenaline’. Bun badan oo uu qofku cabbaa waxa ay yaraysaa shaqada qanjidh-kelyoodka, oo isna sababa in hormoonka ‘Adrenaline’ jidhka ku yaraado, waxaana timaadda hurdo badan oo uu qofku dareemo.