Dhallinyaro Taageertay Is Casiladii Cabdillaahi-jawaan

0
520

Annaga oo ah dhalinyarrada Qalinlayda hawd iyo Hargeysa waxanu  dhambaal hambalyo ah gaadhsiinaynayaa siyaasiga Cabdilahi Cabdi X.cumar( jawaan) oonu ku bogaadinayno is casilaadii uu iska casilay lataliyihii madaxwaynaha ee Arimaha doorashooyinka iyo xubintii fulinta ee xisbiga kulmiye.

Waxa kale oo aanu ku boogadinaynaa  taladii waayeelnimo ee uu ku ladhay shaqo ka tagistiisa,gaar ahaan taladii uu u soo jeediyay gudida doorashooyinka qaranka , waxaynu dhamaanteen kawada dharagsanahay dhibaada ka iman karta doorashooyinka hadii aan si caddaalada loo maamulin , iyadda oo ay tusaale inoogu filantahay doorashadii golayaasha deeganka ee 2012kii qabsoontay, waxaanad muujisay dareen wadanimo iyo lexejeclo wayn oo aad ka qabto wadanka,waana xil saaran muwaadin kasta oo xil kas ah, waxananu usoo jeedinaynaa talooyinkaas waayeelnimo in masuuliyiinta ay khusaysaa si miisan leh u dhugtaan, iskana dhaafaan jawaabaha fudaydka iyo macna darada ah ee jawaabta looga dhigayo talooyinkaas.

Waa hab dhaqan liita in dhaliil la wada arkayo oo u  baahan sixitaan masuuliyiinteenu fal celin uga dhigaan shir jaraaid  oo uu qabto masuul aan ahayn kii la dhaliilayayba, waa caado iyo fahan guracan oo kali ku ah siyaasiyiinteena gaar ahaan kuwooda socod baradka ah ee ku cusub masraxa siyaasadda.

Alla mahad leh

            Qalinlayda G.Hawd& Hargaysa

Cabdishakur Daa,uud maawel

Axmed Cabdi X.Aden

Farxan X.yusuf Jama

Eng: Abdirahman Diriye