Guurku Waxa Uu Leeyahay Faa’idooyin Caafimaad Oo Nafsiya, Waxa Aanu Yareeyaa Cudurrada Wadnaha Ku Dhaca

0
697

Hargeysa (Geeeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in xaasleydu ay ka caafimaad fiican yihiin doobabka iyo gashaantimaha ama ruux ay hore u kala tageen ninkii/gabadhii ama laga dhintay. Iyada oo ay sababahana ay ka mid yihiin heerka hormoonka sababa sakatiga iyo isku buuqqa oo guurka kadib jidhka ku yaraada hormoonka lagu naanayso horoonka sakatiga oo ku yaraada jidhka, kaas oo haddii uu badan lahaa dhibaatooyin badan oo caafimaad horseedi kara.

Waxaa jiray cilmibaadhiso hore oo iyaguna isku xidhay guurka iyo cimri dhererka iyo sidoo kale faa’idooyin caafimaad oo laga heli karo guurka, waxa se’ arrimahan muhiim u ah nooca xidhiidh ee lammaanaha ka dhexeeya iyo sidoo kale arrimo ay ka mid yihiin dakhliga soo gala qoyska, daryeelka caafimaad, waxbarasho iyo guud ahaan nololeed ee ay qoysku helaan, kuwaas oo dhammaantood qayb weyn ka qaata in guurku farxad iyo rayn-rayn abuuro iyo in kale.

Daraasaddanina waxa ay faa’idooyinkaas hore ku sii daraysaa in guurku uu xakameeyo xaaladaha nafsiga ah ee uu ugu horreeyo qulubka iyo sakatigu, taas oo sababteeda kowaad tahay hoos ku dhaca guurka kadib ku yimaadda heerka hormonka Cortisol ee uu jidhku sii daayo, waana hormoonka ay khubarada saynisku ku naanaysaan ‘Hormoonka sakatiga’.

Hormuudka cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey oo ahaa Brain Chinn oo ah cilmibaadhe ku xeeldheer cilminafsiga oo ka tirsan jaamacadda Carnegie Mellon ee gobalka Pennsylvania, dalka Maraykanka  ayaa isaga oo daraasaddan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Natiijada aanu gaadhnay waxa ay soo bandhigaysaa, aragti cusub oo muhiim ah, iyo mudnaanta uu leeyahay habka uu xidhiidhka lammaanuhu u dhex galo jidhkeenna ee uu saamaynta ugu yeesho caafimaadkiisa”

Brain waxa uu intaas ku daray in guurku uu qofka ku dhiirrigeliyo in uu maro nidaam nololeed caafimaadka u fiican, waxa aanu ka fogeeyaa hab-dhaqannada nolosha kelida ah oo inta badan iyagu sabab u ah in ay keenaan xanuunno, waxaa ka mid ah sigaar iyo daroogada oo qofka xaasleyda ahi aanu aalaaba ku degdegin.

Xeeldheerayaashu waxa ay daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay ku sheegeen in heerka Hormoonka Cortisol uu caadi ahaan aad jidhka ugu badan yahay subaxda hore, laakiin xaasleyda uu xilligan oo kale aad ugu yar yahay, si xawli ahna hoos ugu sii dhaco, taas oo keenta faa’idooyin caafimaad oo marka laga tago kuwa aynu soo xusnay ee nafsiga ah, ay sidoo kale ka yimid yihin yaraynta cudurrada wadnaha ku dhaca iyo dadka cudurka Kansarka la nool oo ka hela cimri dherer.

In lammaanuhu noloshooda iskaga raalli yihiin, noloshooduna xasiloontay ayaana ka mid ah sababaha ugu badan ee ay khubaradu u sibir saarayaan faa’idooyinkan caafimaad ee laga helo guurka, kuwaas oo meesha ka baxaya ama aad hoos ugu dhacaya haddii dabeecadda nololeed iyo is-fahamka lammaanuhu meesha ka baxaan.