Isla Doonashada Qaddar: Dhimashada Wiil Iyo Aabihii Oo Ay Labadooda Gaadhi Is-Ku-Dhaceen Iyaga Oo Aan Iska War Hayn

0
632

Washington (Geeska)- Aabuhu waxa uu watay gaadhigiisa oo uu ku socday shaqadiisa uu aroorta hore ku kallihi jiray, wiilkuna waxa uu watay gaadhigiisa, isaga oo ku soo socda guriga kadib markii uu habeennimadii caways ku soo jeeday. Arrooryadii sabtida ee toddobaadkii ina dhaafay ayaa Jeffrey Brush oo 50 jir ahi waxa uu subaxdii hore ka jarmaaday gurigiisa si uu u tago shaqadiisa oo ahayd in uu Roodhida qaybiyo, waxa ay ahayd shaqo uu 20 sano hayey oo uu subax kasta qorrax soo baxa ka hor u kallihi jiray.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey wargeyska The Washington Post ayaa lagu sheegay in Brain uu subax kasta safri jiray masaafad dhan 113 Kiiloomitir, si uu gaadhigiisa roodhi diirran ugaga soo qaato tuule ku dhoweyd magaalada uu deggen yahay ee Bankstown oo ku taalla miyiga dhinaca galbeed ee magaalada Bermingham ee dalka Ingiriiska, kadibna roodhidaas cusub uu goor hore keeni jiray magaaladiisan oo uu ku iibin jiray.

Markii uu qiyaas 30 daqiiqo ah Jeffrey Brush gaadhigiisa sii watay, xilli uu dhulku hiimse-hiimse yahay, meelaha jidku gooladaha ka galena ay ceeryaanta iyo dhirtu isu qarinayeen baabuurta iska hor imanaysa, ayaa waxaa ka hor yimid gaadhi kale oo uu wato wiilkiisa 22 jirka ahaa ee Aston oo isaguna inta uu ka soo noqday xaflad caways oo uu xalay ku soo jeeday, markan ku sii socday gurigooda.

Waxaa yaab leh in odayga iyo wiilkiisuba aanay xidhnayn beelka ammaanka, markii ay isku dhaceen labadooda gaadhi oo ahayd hilaaddii Afartii iyo toban subaxnimo, aabihii isla goobtii shilka ayaa uu ku qudh-baxay, halka wiilkana cisbitaalka loola cararay iyada oo ay xaaladdiisu culus tahay, halkaas oo uu ku sagaalkii iyo 18 daqiiqo oo subaxnimadiiba ah ku geeriyooday.