Guurku Himilada Iyo Qorshaha Gabadha Waa Uu Beddelaa Laakiin Ragga Maya

0
691

Hargeysa (Geeska)- Guurku waa xaalad kala guuritaan oo si la arkayo uu qofku uga guurayo xaalad hore una guurayo xaalad nololeed oo hor leh, waxaana la aaminsan yahay in cidda saamaynta ugu badan ay xaaladdaas kala guur ku yeelataa in ay tahay gabadh oo aanay saamayn qaab nololeedkeeda oo keliya balse ay sidoo kale raad muuqda ku yeelato qaabka ay u kala horumarinayso danaheeda iyo himilooyinka ay leedahay. Tusaale ahaan waxa aynu u soo qaadan karnaa xirfaddeeda oo ay khubarada arrimaha cilmi nafsigu aaminsan yihiin in guurka kadib ay si dhaqso ah dib ugu noqoto.

Daraasad natiijadeeda lagu beegay dabbaal-degyadii sannadkan ee maalinta caalamiga ah ee gabadha u astaysan ayaa uu wargeyska Geeska Afrika ka soo akhriyey degelka internet ka ee Jeevansathi.com ayaa lagu sheegay in sahamin iyo tiro-koob lagu sameeyey qaabka ay gabadhu u kala horumariso qorshayaasheeda guurka ka hor iyo waxa iska beddela guurka kadib ayaa lagu ogaaday in gabadhu ay guurka kadib wax ka beddesho qorshayaashii ay marka hore mudnaanta siinaysay. 1500 (Kun iyo Shan boqol) oo dumar ah oo tijaabadan lagu sameeyey iyaga oo aan dareensanayn waxa looga jeedo waxaa laga codsaday in gabadh kastaa ay si nidaamsan u kala horreysiiso qorshayaasheeda iyo himilooyinka ay doonayso in ay mustaqbalka gaadho, waxaana soo baxday in boqolkiiba 53 ka mid ah dumarkaasi ay kaalinta koowaad geliyeen in ay shaqo helaan, laakiin kala mudnaysiintaasi waa ay is beddeshay markii guurka kadib isla dumarkii oo aan weli waxba la dareensiin laga codsaday in ay mid kastaa si niyad ah kala horreysiiso himilada iyo qorshaha ay leedahay, waxaana soo baxday in shaqo doonistii ay markan kaalinta afaraad ka gashay kala mudnaysiinta doonista. Boqolkiiba 51 dumarkaas ka mid ah ayaaba iyagu kaalinta koowaad soo geliyey arrimo la xidhiidha sayga ay guursadeen.

Barakash Sanjam oo agaasime ka ah degelkan ayaa sheegay in tiro-koobkani uu si cad u muujinayo is-beddelka la taaban karo ee guurka kadib ku yimid gabadhu sida ay u kala mudnaysiinayso qorshayaasheeda, sidoo kale waxa uu guurku wax ka beddelay arrimaha ay gabadhu guurka ka hor u arkaysay in ay muhiim u yihiin nolosheeda. Tusaale ahaan boqolkiiba 25 dumarkan ka mid ah ayaa guurka ka hor muhiimadda labaad ee noloshooda siinayey labada waalid. Laakiin tiro isla intaas ah ayaa guurkii kadib is beddeshay oo muhiimadda ay waalidka siiyeen ay hoos ugu dhacday kaalinta saddexaad, waxaana kaalintii hore soo galay carruurta oo iyagu helay mudnaanta koowaad. Arrinta xiisaha lihina waxa ay tahay in lacagtu ay kaalinta saddexaad kaga jirtay liiska wax yaabaha ay gabadhu doorbidayso guurka ka hor, oo daryeelka labada waalid ay ka horreeyeen, laakiin guurka kadib waxaa kaalintii saddexaad soo galay cabsida ay gabadhu ka qabto in ay lacag weydo guurka kadib, waxa aanay hoos u riixeen kaalintii labada waalid ku jireen.