“Al-Shabaab Waxa Ay Isku Dayday Inay I Khaarajiso Aniga Iyo Madax Kaleba. Laakiin Kumay Guulaysan, Kumana Guulaysan Doonaan”

0
719

Picture4Washington(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inay Al-Shabaab dhawr goor isku dayday inay khaarajiso isaga iyo masuuliyiin kale, balse uu ka badbaaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh  waraysi gaar ah siiyay  Wakaalada Wararka ee Reuters, isagoo jooga wadanka Maraykanka oo uu kaga qayb galay kulanka Madaxda Afrika iyo Maraykanka, ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya bilaabayso weeraro ka dhan ah Al-Shabaab oo loo bixiyay badweynta Hindiya.  “ Hawgalka aan bilaabeyno oo aan ugu Magac darnay Badweynta Hindiya waxa uu bilaaban donaa maalmo gudahood , waana howl galkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab aan kaga saareyno Soomaaliya.” sidaasi waxaa yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo raaciyay, "Waxaanu qorshaynay sidii uu qorshahaas badweynta Hindiya u noqon lahaa mid guulaysta.”

Isagoo ka hadlaya dhawrka goor ee ay Al-Shabaab isku dayday inay khaarajiso wuxuu yidhi, “Al-Shabaab waxa ay isku dayday inay I khaarajiso aniga iyo madax kaleba. Laakiin kumay guulaysan, kumana guulaysan doonaan.” Ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Wuxuu ku dooday inay awoodii Al-Shabaab daciiftay “ Way iska cadahay in Al- Shaabab in ay  daciifeen waxaana cadayn taasi u ah waxaa lagala wareegay deegaano muhiim ah.”

Xidhiidhka Maraykanka iyo Somalya ayuu ku sheegay inuu horumar samaynayo islamarkaana ay arrimo badan ka wada shaqeeyaan.