Gabadh Iyada Oo Filim Macsiyo Ah Daawanaysa Geeriyootay Oo Remote Kii Laga Furfuri Kari Waayey

0
834

Makah (Geeska)- Gabadh 20 sano jir ah oo ku noolayd magaalada barakaysan ee Makah Al-Mukarama ayaa ay ajashu si kedis ah ugu timid iyada oo daawanaysa filim nooca xidhiidhka jinsiga soo bandhiga ah. Markii la ogaaday in ay tii Alle u timid ee la dambcay in la qaadana waxaa dadkii goobta joogay oo dhami ay awoodi waayeen in ay gacanteeda ka furfuran Remootkii TV-ga ay daawanasay, taas oo aakhirkii keentay in la aaso iyada oo remote kiina sidii gacanta ugu haysata.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Shams ee ka soo baxa dalka Sucuudiga ayaa sheegay in dad ay ehel yihiin inantani ay xaqiijiyeen in markii qolka loogu soo galay maydkan loogu yimi TV-ga oo uu ka baxay Filim jinsi ah iyo iyada oo gacanta ku haysa Remote-kii TV-ga, si qumanna ugu fadhida kursiga. Ehelka ayaa markii la maydhayey maydka dadaal badan u galay in ay gacanta ka furfuran Remote-ka. Waxa uu warku intaas ku daray in gacanta inanta oo si buuxda ugu dheggenayd Remote-ka dartii ay qasab noqotay, laakiin cid awoodda waa la waayey.

Hay'ad samofal oo u qaybsan maydhista maydka ayaa iyadu markii bilowgii xaalka gabadhan looga warramay diidday in ay maydho maydka inantan ee mucjisada ah, laakiin sheekha masjidka deegaanka ay ku dhimatay ayaa isagu sheegay in ay sharci tahay in la maydho oo lagu tukado, maadaama oo muslimnimo lagu ogaa, dembi ay diinta kaga baxaysana aanay samayn. Inanta hooyadeed ayaa masuuliyadda waxa dhacay dusha ka saartay odaygeeda iyada oo ku dooday in isagu uu sabab u yahay in ay carruurtiisu daawadaan filimada Jinsiga ah. Waxa ay hooyadani sheegtay in inanteedu daawashada talefishanka in badan isku mashquulin jirtay taas oo keentay in xattaa ay dhacdo siina wadi kari weydo waxbarashadii jaamacadda, arrintaas oo aanu aabaheed waxba ka qaban.