Guddoomiyaha Haweenka Hargeysa Ee Waddani Oo Xukuumada Eedaymo U Jeedisay

0
543

Tan iyo intay xoriyadeedii ay dib ula soo noqotay Somaliland,waxaa jirtay cabashooyin yar yar iyo dhibaatooyin ay ka sheegan jireen xukuumadihii wakhtiga jiray.Laakiin maanta waxad mooda in Xukuumadani ku ka cayso waxyaabo badann oo aan hora lo arag meelo badana waxad mooda in xukuumadani ku ka cayso wax yaabo badan oo aan hore loo arag. Xukuumadan meelo badan waxaa ay iska shabahaan xukunkii kaligii taliski Siyaad Barre,xadhiga,cabudhinta saxaafada madax-banaan,adeegsiga cago juglaynta ciidamada kala duwan,iyo ku takri falka hantida qaranka. Waxaana muuqata inay u badheedhayaan duminta qaranka ayna ka doranayaan muddo kordhin.Waxaan halkan ka cambaaraynayaan waxyaabaha foosha xun ee ay ku kacayso,xukuumadan,waxaan tacsi u dirayaa dadkii ku geeriyooday falkii dhacay ee ay xukumadu fulisay dadka shacabka ah ee rayigooda cabirayey,waxaanan hambalyo u dirayaa xildhibaanada Awdal ee iskood isku xil qaamay badbaadinta qaranka,waxan canbaareenayaa xadhiga.xoghayaha golaha wakiilada iyo xoghayaha xanaanada xoolaha ee xisbiga WADDANI,waxaana shacabka Somaliland u soo jeedinayaa inay illaashadaan nabadooda iyo qaranimadooda.